Newsletter subscribe

Xulashada Tafatiraha, Featured, Arrimaha Siyaasada

Afar Duufaan oo ku soo wajahan Soomaaliya

Posted: December 3, 2019 at 9:10 am   /   by   /   comments (0)

Hay’adaha Caalamiga ah ee la socda saadaasha Hawada ayaa sheegaya in Duufaanno xoog leh ay ku wajahanyihiin Soomaaliya kuwaas oo ka imanaya Badweynta Hindiya.

Khubarrada ayaa sheegaya in Todobaadkan iyo kan soo socdaba ay yihiin maalmaha ugu daran ee Duufaanta iyo roob xoog lehba ay ku dhufaneyso dhulalka Xeebaha ee ku teedsan Badweynta Hindiya.

Sidoo kale Waqooyiga Soomaaliya ilaa Bariga Itoobiya ayaa la saadaalinayaa in uu ka do’o roob xoog leh oo laftiisa dabeylo wata.

Duufaanta ugu soo horreysa ayaa loogu magacdaray Pawan, waxaana ay ka billaabeysaa sida ay muujinayaan warbixinnada Dalka Madagascar kaddibna waxaa iyada oo roob watada ku wajahantahay Xeebaha Koofureed ee Soomaaliya ilaa Bariga Soomaaliya.

Khamiista ilaa Jimcaha soo socda ayaa sidoo kale la saadaalinayaa in Roob wata Dabeylo xoog leh uu ka do’o xeebaha Waqooyi Bari ee Soomaaliya ee loo yaqaan Puntland,waxaana dadka loogu baaqayaa in ay feejignaadaan kana fogaadaan togagga biyaha sii daaya.

Degaannada Ceel huur iyo Cashuura oo ka tirsan Gobolka Mudug ayaa sidoo kale warbixinta muujineysaa in Roobka ka da’aya uu sababi karo dhul go’ taas oo iyana ka mid ah waxyaabaha walaaca laga muujinayo.

Dalalka Seychelles,Madagascar,Sri Lanka  iyo Gobolka Kerala ee dalka Hindya oo dhamaan ku teedsan Badweynta Hindiyaa la filayaa in todobaadkan duufaanta saameyn ku yeelato iyada oo dowladuhuna dadka ugu baaqeen in ay heegan galaan una diyaar garoobaan duufaanta iyo roobka.