Newsletter subscribe

Featured, Sport

Andrés Iniesta “Waxay noqon doontaa maalin uu dareen ka buuxo”

Posted: July 21, 2019 at 11:38 am   /   by   /   comments (0)

Halyeeyga kubadda cagta ee dalka Spain Andres Iniesta ayaa ka hadlay dareenkiisa kahor kulankiisa ugu horeeya uu ka hor imaan doono kooxdiisii hore ee Barcelona.

Kooxaha Barcelona iyo Vissel Kobe ee dalka Japan ayaa wada ciyaari doono kulan saaxiibtinimo maalinta Sabtida ee soo aadan, kaasoo qeyb ka ah ciyaaraha saaxiibtinimo ee isku diyaarinta xili ciyaareedka cusub.

Andres Iniesta ayaa wareysi uu bixiyay kahor ciyaartan wuxuu kaga hadlay dareenkiisa wuxuuna yiri:

“Waxaan ka hadlay in kabadan hal jeer, Waxaan jeclaan lahaa inaan ka hor tagin Barcelona nolosheyda, iyo xitaa dhamaan asxaabteyda qolka labiska, lakiin waxaa jira waqtiyo ay tahay inaad gaarto go’aano, taasoo kaa dhigeysa inaad tahay mid hore”.

“Waxay noqon doontaa wax cajiib ah inaan wajaho kooxdeydii hore, waxay noqon doontaa maalin uu dareen ka buuxo aniga ahaan, kubadda cagta ee Japan waa mid tartan badan, waxaad arki doontaa marka aan la ciyaarno Barcelona 27-ka July, waxaa hubaal ah in garoonka la soo buux dhaafin doono”.

“Waxa ay noqon doontaa wax cajiib ah in Barcelona ay soo booqaneyso magaaladeyda sanad kaddib, shaki la’aan wuxuu noqon doonaa kulan  gaar u ah qof walba, sidoo kale waa wax cajiib ah inaan wajahayo Sergio Busquets Jordi Alba iyo Ivan Rakitić, islamarkaana aan kahor imaanayo kooxdii nolosheyda”.

Waxaa xusid mudan in Andres Iniesta uu kasoo dhaqaaqay Barcelona sanad kahor, kaddib markii uu dareemay kubad sameeyahan inuusan u sii ciyaari karin kooxda reer Catalonia, sababa la xiriira da’adiisa oo sii korortay haatana waa 35 jir.