Axmed Madoobe oo si kulul ula hadlay dowladda Federaalka ah
MadaxweynahaMaamulka Jubaland Axmed Maxamed Islaam ayaa mar kale ka hadlay siyaasadda guud ee dalka iyo go’doominta isaga lagu sameeyay. Dhinacyo badan ayuu Axmed Madoobe kaga hadlay Khudbad uu ka jeediyay Kismaayo xalay,waxaana uu hadalkiisu ahaa; Axmed oo ka hadlay xaalada uu dalka marayo iyo si gaar ah arimaha Jubbaland wuxuu sheegay in kadib Doorashooyinkii Baarlamaanka […]
Garyaqaan Qalyare oo u dhintay dhaawacii Kismaayo
Magaalada Kismaayo waxaa xalay ku geeriyooday Nabaddoon sidoo kalena ahaa Garyaqaan Axmed Jaamac Maxamuud Qalyar. Nabaddoonka ayaa 13kii Bishii September lagu dhaawacay Magaalada Kismaayo,waxaana la dhigay Isbitaal ku yaalla Magaaladaas. Dhaawacii soo gaaray ayuu xalay saqdii dhexe ugu geeriyooday halkaas iyada oo lagu wado in maanta lagu aaso Kismaayo. Nabaddoonka oo ahaa qof aad u […]
Maraykanka Oo Sanadkan Soomaaliya Ku Bixyey $498 Milyan
Dowladda Mareykanka ayaa sheegtay in lacag ku dhow $500Milyan oo doollar ay ku bixisay Soomaaliya sanadkan 2019ka oo kali ah. Hay’adda Mareykanka u qaabilsan Kaalmada ee USAID ayaa waxaa ay sheegtay in guud ahaa sanadkan ay Soomaaliya ku bixisay taageero dhaqaale oo gaaraya $498Milyan . Waxaa ay shalay ku dhawaaqday $257 Milyan oo doollarka Mareykanka […]
Taliye ka tirsanaa Ciidanka DANAB oo qarax lagu dilay
Saraakiisha Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa xaqiijiyay in askar shalay ku dhimatay qarax ka dhacay inta u dhaxeysa Ceelasha iyo Afgooye uu ka mid ahaa Taliyihii 3aad Ciidanka DANAB oo uu tababaray Mareykanka. Maxamed Cali Cismaan oo ku magac dheeraa (Maxamed Yare) ayaa la xaqiijiyay in uu ka mid ahaa Ciidamo gaarayay lix askari oo shalay […]
Wasiir Abgaal “qofkii ka bixi waaya Guryaha danta guud ee Garowe waa la dilayaa”
Maamulka Puntland ayaa dil ugu hanjabay dadka deggan Guryaha danta guud ee ku yaalla Magaalada Garowe. Xasan Shire Cabdi (Abgaal) ayaa sheegay in la tooganayo qofkii isku dhejiya guryaha danta guud ee ay dad gaar ah ku daneynsanayaan. Wasiir Abgaal waxaa uu sheegay in dhowr jeer maamulka digniin u diray dadka heysta guryaha dowladda hayeeshee […]
Autsralia oo safiir cusub u soo magacowday Soomaaliya
Dowladda Australia ayaa safiir cusub u soo magacaabatay Soomaaliya waxaana warqadaha aqoonsiga ka guddoomay C/Qaadir Axmed Kheyr Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Cabdulqaadir Axmed-kheyr Cabdi, ayaa shalay oo Talaado ahayd (1 Oktoobar) kaga guddoomay Muqdisho nuqul ka mid ah warqadaha aqoonsiga danjiranimo ee Marwo Alison Chartres, Safiirka Australia ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya. […]
Kheyre oo Wafdi kasocda Kenya la qaatay Kulan qarsoodi ah!
Sida uu Boggiisa Twitter-ka kusheegay Ababu Namwamba Kaaliyaha Wasiirka Arrimaha Dibada Kenya kulanka dhexmaray Wafdiga Kenya iyo Raisalwasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre waxa uu kusaabsanaa arrimo u dan ah labada waddan Soomaaliya iyo Kenya. Kulanka oo loo badinayo in uu kadhacay meel kabaxsan xafiiska Raisalwasaare Kheyre ayaa sida uu shaaciyey Ababu Namwamba waxa kaqaybagalay Danjiraha […]
Maxkamadda Ciidanka oo dil ku xukuntay Askari dil u geystay Askari kale
Cumar Cabduqaadir Sheikh Nuur Xuseen ayaa loo heystaa dillka Allaha Unaxariiste Ex. Dalbe Boliis Jamaal Abuukar Jiinow oo uu ku dilay degmada Waabari 22-kii March ee Sanadkan kadib markii uu ka hor istaagay dhac uu u geysanayay mid kamid ah rayidka ku dhaqan degmada Waabari. Baaritaanka Dable Xoogga Dalka Cumar Cabduqaadir Sheikh Nuur Xuseen ayaa […]
Beelo Soomaaliyeed Oo Isku Laayey Mandhera
Ugu yaraan 7 Qof oo Soomaali ah ayaa ku geeriyootay degaanka Banisa oo ka tirsan Magaalada Mandheera. Weerarkan ayaa waxaa geystay malleeshiyo Beeleed ka dhashay Qabiilka Dagoodiyaha waxaana ay u geysteen weerarka Qabiilka Garraha. Malleeshiyada hubeysan ayaa weerar ku qaaday dadkaasi iyaga oo xilli waabari ah weeraray,waxaana halkaas sidoo kale ku dhaawacmay tiro dad ah […]
Deni: “waan ka xumay in shirka intaas la eg ee Xamar ka furmay aan baraha Bulshada ku aragno”
Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland Siciid Cabdullahi Deni ayaa waxaa uu sheegay in dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ay ku bahdishay shirka Muqdisho. Siciid Cabdullahi Deni ayaa sheegay in shirkaas aan laga talo gelinin sidoo kalena shirkaas Ajendahiisa ku arkeen kaliya Baraha Bulshada. Deni ayaa intaas ku daray in Puntland shirkaas laga siiyay shan daqiiqo khudbad […]
Xildhibaano Kenyaan ah oo lagu eedeeyay in ay heystaan dhalashada Soomaaliya
Hay’adda u dhaq dhaqaaqda anshaxa iyo ka hortagga Musuqa oo ka jirta Dalka Kenya ayaa waxaa ay dacwad ku soo oogtay 10 Xildhibaan oo ka mid ah Baarlamaanka Dalka Kenya. Tobanka XIldhibaan ayaa lagu eedeeyay in ay kala heystaan dhalashada Soomaaliya, Itoobiya, UK, Mareykanka, Gariigga iyo kuwo kale. Afar ka mid ah Xildhibaannadaas waxaa ay […]
Dabka kacay Maqaayad ku taalla Muqdisho oo burbur hantiyadeed geystay
Maqaayad ku taalla Isgoyska Dabka ee Magaalada Muqdisho ayaa waxaa uu saameyn ku yeeshay goobo ganacsi oo ku dhawaa. Maqaayadda oo lagu magabaaco Barwaaqo ayaa waxaa ku gubtay Maqaayadda, Dukaamo Electronics, Timajare, Farmashiye ku dhegganaa iyo Dukaan Xalwada lagu iibiyo. Dabka ayaa kacay 3:00AM ee xalay,waxaana uu soo gaaray ilaa 5:00AM ee saaka, Kooxda dab […]
Recent Comments