Newsletter subscribe

Uncategorized

Dabka kacay Maqaayad ku taalla Muqdisho oo burbur hantiyadeed geystay

Posted: October 2, 2019 at 9:18 am   /   by   /   comments (0)

Maqaayad ku taalla Isgoyska Dabka ee Magaalada Muqdisho ayaa waxaa uu saameyn ku yeeshay goobo ganacsi oo ku dhawaa.

Maqaayadda oo lagu magabaaco Barwaaqo ayaa waxaa ku gubtay Maqaayadda, Dukaamo Electronics, Timajare, Farmashiye ku dhegganaa iyo Dukaan Xalwada lagu iibiyo.

Dabka ayaa kacay 3:00AM ee xalay,waxaana uu soo gaaray ilaa 5:00AM ee saaka, Kooxda dab damiska Gobolka Banaadir ayaa isku howlay sidii dabkaas looga adkaan lahaa.

Ilaa hadda ma cadda sababta dhalisay dabka hayeeshee xilliga oo kacayay ayaa shaqaalaha Maqaayadda waxaa ay qeybtood ku howllanaayeen diyaarinta raashinta Maqaayadda.

Ciidamada Booliska ayaa dadka degaanka ayaa markii hore isku dayay in ay damiyaan dabkaas hayeeshee waa ay ku adkaatay.