Ciidanka DFS Oo Toogtay Nin Dhigayey Miino
Ciidamada Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ee ku sugan Gobolka Shabeellaha dhexe ayaa sheegay in ay toogasho ku dileen Nin ay sheegeen in uu Miino ku aasayay duleedka degaanka Gololey oo 10km u jira Degmada Balcad. Korneyl Cali Maadow oo ka mid ah saraakiisha Ciidamada Dowladda ee ku sugan duleedka Balcad ayaa sheegay in qofka […]
Kenya oo sheegtay in uu dalkeeda galay sarkaal ay horay u xirtay Soomaaliya
Hay’adda Sirdoonka Dalka Kenya ayaa sheegay in sarkaal sare oo ka tirsan Al-shabaab uu 24kii Bishan galay dalkeeda iyada oo shacabka ku wargelisay in ay xogtiisa la wadaagaan Saldhigga Boolis ee ugu dhow. Sarkaalkan oo lagu magacaabo C/Waxiid Khaliif Cabdi oo ku magac dheer Ciise Tarabuun ayey dowladda Kenya sheegtay in uu dalkeeda galay 24kii […]
Xubno Al-shabaab Ah Oo Lagu Dilay Sh/hoose
Wararka ka imanaya Gobolka Shabeellaha hoose ayaa waxaa ay sheegayaan in weerar xalay ka dhacay duleedka Degmada Awdheegle ee Gobolka Shabeellaha hoose lagu dilay sarkaal ka tirsanaa AL-shabaab. Duqeynta oo ay geysteen Ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo kuwa caalamiga ah ee taageera ayaa lagu sheegay in lagu dilay Xasan Abshir Jbrill oo ku magac dheer Jiiroow. […]
Suuriya oo dalbatay in ciidamada Turkiga & Mareykanku ka baxaan Dhulkeeda
Xukuumadda Suuriya ayaa dalbatay in ciidamada Turkiga & Mareykanku kabaxaan ciidda Suuriya iyada oo ku hanjabtay in haddii aysan u hoggaansamin dalabkaas ay qaadeyso tallaabooyin lid ku ah joogitaanka ciidamadaas ee dhulka Suuriya. Hadal uu Wasiirka Arrimaha dibadda & Qurbejoogta Suuriya Waliid Macalin ka jeediyey Kulanka QM ayuu ku sheegay in joogitaanka ciidanka Turkiga & […]
Sucuudiga oo diidday Danjiraha Soomaaliya u magacowday Riyad
Dowladda Sucuudiga ayaa iska diiday in ay warqadaha Safiirnimo ka guddoonto C/xakiin Xasan Ibraahim Ashkir; oo loo magacaabay Safiirka dowladda Soomaaliya ee boqortooyada Sucuudiga, kaasoo wali aan shaqa gelin. Inkastoo Sucuudigu aaney si rasmi u shaacin diidmadiisa, hadana waxaa laga dheehan karaa inuu u cuntami waayay shaqsiga Safaarada loo magacaabay Sida Sharciga Geneva ee Diblomaasiyadu […]
Waa Imisa Qarashka Ku Baxay Safaaradda Soomaaliya Ee Washington?
Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa shaacisay qiimaha ay ka bixisay Safaaradda cusub ee ay Soomaaliya ku leedahay magaalada Washington. Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya C/Raxmaan Ducaale Belye ayaa sheegay in dhismaha Safaaradda laga bixiyay lacag dhan $4.3 Milyan oo doollarka Mareykanka ah. Waxaa uu sheegay in Guriga dhismaha Safaaradda ay lahayd Dowladda Columbia islamarkaana laga siiyay […]
Addis Ababa: Shirka Ka Faa’ideysiga Kheyraadka Dalka Oo Lagu Soo Gabagabeeyey
Sida uu sheegay Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Batroolka Iyo Macdanta XFS Maxamud Cabdiqadir Hilaal shirka kafaa’iideysiga kheyraadka Soomaaliya oo muddo 4 maalin ah kasocday magaalada AdisAbaba ee dalka Itoobiya ayaa la soo gebagebeeyey, shirka waxaa kaqaygalay xubno kascoday Guddiyada Kheyraadka Baarlamaanka Federalka Soomaaliya, Wasaaraddaha Dowlad Goboleedyada iyo Khuburo sida la sheegay kascotay Waddanka Norway. Shirka oo qorshuhu […]
“Gobolladii nagu taageeray Qaaraan Qaran waan booqan doonaa”
Madaxweynaha Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa sheegay in uu booqasho ku tagayo dalka Mareykanka gaar ahaanna Gobollo muhiim u ah. Madaxweynaha oo la hadlayay jaaliyaddii ka qeybgashay furitaanka safaaradda Soomaaliya ee Mareykanka ayaa sheegay in hadda uu dib ugu soo laabanayo dalka hayeeshee uu sida ugu dhaqsiyaha badan ugu laabanayo dalka […]
Madaxweyne Farmaajo oo xarigga ka jaray Safaaradda Soomaaliya ee Washington
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ay weheliyaan Wasiirrada Arrimaha Dibadda, Maaliyadda iyo diblumaasiyiinta Soomaaliyeed ee ka hawlgala dalka Maraykanka ayaa xarigga ka jaray dhismaha cusub ee Safaaradda dalkeenna ee Washington. Madaxweynaha ayaa sheegay in hirgelinta dhismahan oo noqonaya dhismihii Safaaradeed oo ugu horreeyey ee Dowladda Soomaaliyeed ay ku yeelato dalka Maraykanka […]
Mareykanka oo cunaqabeyn ku soo rogay Shaqsiyaad Soomaali ah
Wasaaradda Maaliyadda Dalka Mareykanka ayaa waxaa ay cunaqabateyn saartay Shaqsiyaad Soomaali Kenyaan ah oo lala xiriiriyay in ay xiriir la leeyihiin Argagixisada. Shaqsiyaadkan oo isugu jira Ganacsato iyo Culimo ayaa waxaa ka mid ah Sheikh Hassaan Hussein Adam (Hussein), Sheikh Hassaan (Omar), Mr Hassan Mahad (Omar) iyo Mr Hassan Mahad. Waxaa kale oo Wasaaradda Maaliyadda […]
Shacab Lagu Laayay Gobolka Hiiraan
Wararka ka imaanaya degmada Matabaan ee gobolka Hiiraan ayaa waxay sheegayaan in maleeshiyaad hubeysani ay dad shacab ah ku laayeen duleedka degmadaasi. Maleeshiyaadkan ayaa la sheegayaa iney rasaas ku fureen dad badan oo ku sugnaa ceel-biyood dhowaan halkaasi laga dhisay. Ugu yaraan Shan qof ayaa halkaasi ku dhimatay, iyadoo dhaawucuna intaa ka badan yahay, sidey […]
Ciidamada Jubbaland Iyo Kuwa Al-shabaab Oo Dagaallamay
Dagaal ayaa ciidanka Jubbaland iyo kuwa Al-shabaab wuxuu xalay ku dhexmaray deegaanka Cabadalla Biroole oo duleedka magaalada Kismaayo ee Jubbada Hoose ah. Al-shabaab ayaa weerar kusoo qaaday fariisin ay ciidanka Jubbaland ku lahaayeen deegaankaasi, waxaana ka dhashay dagaalkan khasaare kala duwan. Afar qof ayaa la xaqiijiyey in dagaalkan ku dhinteen, iyadoo dhaawucuna intaasi ka badan […]
Recent Comments