Al-shabaab Oo Laga Saaray Deegaanno Dhowr Ah
Wararka ka imaanaya soohdinta u dhexaysa gobollada Shabeellooyinka ayaa sheegaya in ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed ay Al-shabaab kala wareegeen degaanno halkaasi ku yaalla. Ciidamada ayaa hawlgallo ay sameeyeen waxay Al-shabaab kala wareegeen degaannada Kaxarey iyo Busley oo ku yaalla soohdinta u dhexaysa labada gobol ee Shabeellaha hoose iyo Shabeellaha dhexe sida ay xaqiijiyeen saraakiil ka […]
Askari Dilay Arday Oo La Xukumay
Maxkamadda Ciidanka qalab sida ayaa xukun dil ah ku riday dable Baashi Mustaf Cumar Dhaqane oo loo haystay in uu degmada Xamarjajab ee gobalka Banaadir ku dilay wiil arday ahaa oo lagu magacaabi jiray Sheikh Nuur Maxamed Maxamuud 26 july ee sanadkan ayuu dable Boliis Baashi Mustaf Cumar Dhaqane ku dilay Allaha Unaxariiiste Marxuum Sheikh […]
Ciidamada AMISOM Oo Ka Guuray Warsheekh
Ciidamada AMISOM ee ku sugnaa Degmada Warsheekh ee Gobolka Shabeellaha dhexe ayaa isaga baxay degmadaas iyaga oo amaanka degmada ku wareejiyay Booliska Soomaaliya. Ciidanka AMISOM ayaa isaga guuray War-sheekh oo ay amaankeeda sugayeen shantii sano ee la soo dhaafay. Goobaha ay banneeyeen Ciidamada AMISOM ayaa waxaa ku wareegay Ciidamada Booliska ee dowlad Goboleedka Hirshabeelle. Munaasibaddii […]
Somaliland Oo Kahor Timid Heshiis Ay Galeen DFS Iyo EU
War-saxaafadeed kasoo baxay maamulka Somaliland waxa ay kaga hor yimaadeen heshiiskii Dowladda federaalka iyo midowga Yurub ay kala saxiixdeen 31-dii Bishii ina dhaaftay ee Agoosto. Heshiiska waxaa uu ku saabsanaa sidii loo hirgelin lahaa dhismaha waddooyin ku yaalla Magaalooyinka Muqdisho iyo Berbera, waxaana loogu magac daray duqii hore ee Muqdisho AUN Cabdiraxmaan Cumar Cismaan Eng […]
Al-shabaab: Waxaan Diiwaangelinnay 635 Ergo
Dhaq dhaqaaqa Al-shabaab ayaa war ka soo saaray baaqoodii 15kii July eek u aaddanaa in ay isdiiwaangeliyaan Odayaasha dhaqanka iyo Ergooyinkii ku lugta lahaa xulista Baarlamaanka Soomaaliya. Al-shabaab waxaa ay sheegeen in 263 Oday dhaqameed hadda ku suganyihiin degaannada ay ka taliyaan sidoo kalena jiraan kuwo la xiriiray oo uu waqtiga u saamixi waayay. Waxaa […]
Waxgaradka Cadaado Oo Gaaray Dhuusamareeb
Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimada Maamulka Galmudug waxaa saakay gaaray Waxgaradka Degmada Cadaado ugu qayb galaya Shirka dib u heshiinta Beelaha Galmudug. Ergada Shirka Dib-u-heshiisiinta uga qeybgaleysa Degmada Cadaado ayaa gaaray magaalada Dhuusamareeb ee xarunta Gal-mudug waxaa halkaas ku soo dhaweeyey xunbo ka tirsan guddiga dib u heshiisiinta, Waxgaradka, ergada horey Dhuusamareeb u yimid iyo Bulshada […]
Warar Dheeraad Ah Oo Ku Saabsan Xarigga Wasiir Janan
Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa xarigga wasiirkii amniga ee dowlad goboleedka Jubbaland, C/rashiid Janan, kaasi oo shalay lagu xiray magaalada Muqdisho. Mas’uuliyiin Jubbaland ah oo u wrammay Maandeeq ayaa sheegay in xariggan uu yahay mid ay DFS kusii xoojineyso khilaafka kala dhaxeeya maamulkooda. Wasiirka ayaa lagu xiray garoonka diyaaradaha Aadan Cadde, waxaana qorshihiisu ahaa […]
Bilow Keerow: “Qaadku waa miro sheydaan oo bur burinaya dhallinyarada Soomaaliyeed”
Senataor Bilow Keerow oo horay uga mid ahaa Aqalka sare ee Dalka Kenya ayaa sheegay in Qaadka uu dhibaato badan ku hayo Dhallinyarada Soomaaliyeed. Bilow Keerow oo laga doorto Mandheera ayaa sheegay in Qaadka uu yahay Miro sheydaan kaas oo baabi’inaya dhallinyarada Soomaaliyeed. Xildhibaanka hore ayaa sheegay in Qaadka ay iska daayaan dhallinyarada Soomaaliyeed oo […]
Mauritius oo eedeysay Somaliland
Dowladda Mauritius ayaa eedeeyn iyo cambaareyn isugu dartay maamulka Somaliland oo ay ku eedeysay in uu ku xadgudbay heshiisyadii maxaabiista Burcad Badeedda Soomaalida. Ra’isalwasaaraha Dalka Mauritius, Pravind Jugnauth oo ka qeybgalay shirkii Afrika iyo Japan ee lagu qabtay Yokahama ayaa waxaa uu halkaas kula kulmay xoghayaha guud ee Qaramada Midoobey. Ra’isalwasaare Pravind Jugnauth, ayaa Somaliland […]
Kenya: Annaga ayaa nalagu beegsanayaa xayiraadda diyaaradaha ee Kismaayo
Wargeyska Daily Nation ee ka soo baxa Dalka Kenya ayaa sheegay in go’aanka dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ku amartay in diyaaradaha tagaya ama ka baxaya Kismaayo maraan Muqdisho ay tahay ujeeddo ka dhan ah dowladda Kenya. Wargeysku waxaa uu sheegay in Magaalada Kismaayo ay joogaan Ciidamo Kenyaan ah sidoo kalena joogaan Magaalada Dhoobley. Dowladda […]
Duqa Muqdisho Oo Booliiska Faray Furista Waddooyinka Xiran
Gudoomiyaha Cusub ee Gobolka Banaadir ahna duqa Magaalada Muqdsho Cumar Maxamuud Maxamed Cumar Filish ayaa Taliska Booliska Soomaaliyeed ka dalbaday in ay furan Wadooyinka Xiran ee Magaalada Caasimada ah ee Muqdisho. Gudoomiyaha Gobalka Banaadir Cumar Filish oo kaqayb galayay munaasabadda uu xilka kula wareegayay Taliyha cusub ee Ciidanka Booliska soomaliyeed ayaa waxa u kacodsaday Taliska […]
Madaxweyne Farmaajo Oo La Kulmay Ra’iisul Wasaaraha Japan
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo maalmahan u joogay dalka Japan ka qaybgalka Shirweynaha 7-aad ee Horumarinta Afrika (TICAD7) ayaa maanta wada-hadallo labo geesood ah kula yeeshay magaalada Tokyo Ra’iisul Wasaaraha Japan Mudane Shinzo Abe. Wada-hadallada Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Shinzo Abe ayaa diiradda lagu saaray iskaashiga labada dal ee dhinacyada amniga, […]
Recent Comments