Newsletter subscribe

Featured, Arrimaha Siyaasada, Warbiximaha Gaarka Ah

Warar Dheeraad Ah Oo Ku Saabsan Xarigga Wasiir Janan

Posted: September 1, 2019 at 7:48 am   /   by   /   comments (0)

Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa xarigga wasiirkii amniga ee dowlad goboleedka Jubbaland, C/rashiid Janan, kaasi oo shalay lagu xiray magaalada Muqdisho.

Mas’uuliyiin Jubbaland ah oo u wrammay Maandeeq ayaa sheegay in xariggan uu yahay mid ay DFS kusii xoojineyso khilaafka kala dhaxeeya maamulkooda.

Wasiirka ayaa lagu xiray garoonka diyaaradaha Aadan Cadde, waxaana qorshihiisu ahaa inuu u safro magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Itoobiya.

Ilo wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa inoo xaqiijiyey in wasiir Janan ay u yeertay dowladda Itoobiya, balse dadka wax falaqeeya ayaa sheegaya in u yeeristaasi ahayd qorshe la doonayey in lagu qabto.

Janan ayaa ku eedesan dilal ka dhacay 2015 degmada Doolow Somalia, kadib maxaabiis lagu dhex diley xabsi ay ku jireen iyo arrimo kale, wallow bilo kahor maxkamadda gobolka Banaadir ay baabi’isay dacwaddaas.

Dhanka kale, Jubbaland ayaa si kulul falkaasi uga hadashay, laakiin dowladda dhexe wax war ah oo rasmi ah lagama hayo weli.