Xaaf Oo Xil Ka Qaadis Samaayey
Madaxweynaha dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa xilka qaadis ku sameeyay Wasiirka Qorsheynta Galmudug. Xaaf ayaa wareegta uu xilka oga qaaday Wasiirka qorsheynta ku sheegay in uu shaqada Wasaaradda sii wadayo Wasiiru dowlaha Wasaaradda qorsheynta Galmudug C/Raxmaan Maxamed Cismaan.
Halkuu Ku Dambeeyey Shirkii Ka Furmayey Dhuusamareeb?
Gudoomiyaha Guddiga qaban qaabada shirka dib u heshiinta beelaha Galmudug Dr Cabdiraxmaan Macalin Cabdulaahi Baadiyow ayaa sheegay in uu meel gabangabo ah marayo shirka did u heshiinta beelaha Galmudug. Dr Cabdiraxaan Baadiyow ayaa sheegay in shirka dib u heshiinta beelaha Galmudug oo ay horkacayaan Hogaanka dhaqanka ee Galmudug, sidoo kale ay ka qayb qaadanayaan qaybaha […]
SarkaalMuhiim u Ahaa Al-shabaab Oo La Dilay
Wararka ka imanaya Gobolka Sabeellaha hoose ayaa sheegaya in Ciidamada gaarka ah ee dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya iyo kuwa Mareykan ah ay howlgal gaar ah ka fuliyeen Gobolka Shabeellaha hoose. Saraakiisha howlgalkaasi qeyb ka fulisay ayaa waxaa ay Warbaahinta ku hadashay afka Ciidamada dowladda Soomaaliya u sheegeen in howlgalka oo ka dhacay Sablaale ay […]
Saraakiil Sheegay Iney Daacad u Yihiin Ahlu-sunna
Saraakiishii iyo Ciidankii Maamulka Ahlu Sunna ee dhawaan lagu biiriyay dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa sheegay in ay u hoggaansamayaan Sheekh Shaakir. Shir ay ku qabteen dhuusamareeb waxaa ay ku sheegeen in ay Dowladda dhexe uga fadhiyaan in ay fuliso heshiiskii ay la galeen Ahlu Sunna haddii kalena ay iyaguna dib uga fiirsanayaan ka […]
Uganda: Ciidankeenna Jooga Somalia Waxaa Ka Maqan $14.2 Milyan
Warbaahinta dalka Uganda ayaa sheegtay in Ciidankooda jooga Soomaaliya ay ka maqantahay lacag gaareysa $14.2 Milyan oo doollarka Mareykanka ah. Lacagtaas ayaa lagu sheegay in ay tahay mushaarka 7 bilood oo aan la bixin, Wargeyska New Vision ee ka soo baxa Dalka Uganda ayaa baahiyay warbixintan waxaana uu sheegay in Ciidamada aysan mushaarkooda helin 7 […]
Midowga Africa Oo Somalia Cadaadinaya
Ururka Midowga Afrika ayaa dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ku cadaadinaya sidii kiiska Badda ee yaalla Mxkamadda ICJ una dhaxeeya Soomaaliya iyo Kenya loogu dhameyn lahaa Magaalada Adis ababa ee Caasimadda Dalka Itoobiya. Guddi ka mid ah Midowga Afrika ayaa warqad casuumaad ah u soo diray Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya kuwaas oo sheegayay in […]
OIC Oo Taageero u Muujiyey Jabuuti
Ururka Iskaashiga Islaamka ee OIC ayaa u ballanqaaday dowladda Jabuuti in ay ku taageeri doonaan kursiga aan joogtada ahayn ee Golaha amaanka ee Qaramada Midoobey. War uu soo saaray Ururka waxaa uu Waddamada Islaamka ah ee xubnaha ka ah Ururuka kaga codsaday in ay garab istaagaan dowladda Jabuuti oo tartan ugu jirta Kursiga aan joogtada […]
Canada Oo Hakisay Tarxiilka Muwaadin Somali Ah
Dowladda Canada ayaa oggolaatay in aysan dib u celin Muwaaddin Soomaali ah oo isaga oo da’ yar galay dalka Canada hayeeshee aan waligii helin deganaansho rasmi ah. Cabdullahi Cilmi oo 34 jir ah ayey dowladda Canada qorsheysay in Isniinta soo socota dib loogu celiyo Magaalada Kismaayo ee Gobolka Jubada hoose. Hayeeshee codsi shalay oo Jimco […]
Khilaaf Ka Dhex-dhashay Ahlu-sunna
Wasiirka wasaaradda dib u heshiisiinta iyo Federaalka Galmudug Saalax Cabdullaahi Maxamed (Saalax Boostaale) oo warbaahinta kula hadlay Magaalada Dhuusamareeb ayaa kahor yimid war kasoo baxay Wasiirka arrimaha gudaha ee Galmudug. Wasiir Saalax ayaa beeniyay hadalkii uu warbaahinta siiyay Wasiirka Arrimaha Galmudug oo uu ku sheegay in golaha wasiirada ay walaac ka muujiyeen Ergo beeleed ka […]
Maxkamadda sare ee Puntland oo dil ku xukuntay raggii loo heystay dilka iyo kufsiga Caaisha
Maxkamadda sare ee Maamulka Puntland ayaa maanta go’aan kama dambeys ah ka gaartay kiiskii la xiriiray Caasha Ilyaas Aadan oo Bishii February ee sanadkan lagu dilay magaalaada Gaalkacyo. Ragga dilka lagu xukumay oo saddex ah ayaa waxaa ay xukunna noocan ah kala kulmeen Maxkamadaha darajada 1aad iyo racfaanka Puntland, waxaana ay ka qaateen racfaan. Maxkamadda […]
Laba Madaxweyne Oo Lagu Doortay Kismaayo
Xildhibaannada Maamulka Jubaland ee taabacsan garabka Axmed Madoobe ayaa madaxweyne u doortay Axmed Maxamed Islaamka halka kuwa isbeddel doonka la baxay ay Madaxweyne u doorteen C/Rashiid Maxamed Xiddig oo ka mid ahaa Golaha shacabka Soomaaliya. Magaalada Kismaayo ayaa marti gelisay Doorasho iska soo horjeedda waxaana codeyn ka dhacday Magaaladaas gaar ahaanna xarunta doorashada Jubaland Axmed […]
Doorasho Ka Socota Degmada Warsheekh
Degmada Warsheekh ee Gobolka Shabeellaha dhexe waxaa maanta ka dhaceysa doorashada Guddoomiyaha Degmadaas. Inta badan Guddoomiyayaasha Degmooyinka iyo Gobollada Soomaaliya ayaa ku iman jiray magacaabista Dowladda Federaalka ah ama dowlad Goboleedka halkaas ka taliya. Degmada Warsheekh ayaa dhawaan yeelatay Gole degaan markii 105 xubnood oo ka mid ah Bulshada degmada ay doorteen Gole degaan oo […]
Recent Comments