Newsletter subscribe

Uncategorized

Halkuu Ku Dambeeyey Shirkii Ka Furmayey Dhuusamareeb?

Posted: August 25, 2019 at 6:24 am   /   by   /   comments (0)

Gudoomiyaha Guddiga qaban qaabada shirka dib u heshiinta beelaha Galmudug Dr Cabdiraxmaan Macalin Cabdulaahi Baadiyow ayaa sheegay in uu meel gabangabo ah marayo shirka did u heshiinta beelaha Galmudug.

Dr Cabdiraxaan Baadiyow ayaa sheegay in shirka dib u heshiinta beelaha Galmudug oo ay horkacayaan Hogaanka dhaqanka ee Galmudug, sidoo kale ay ka qayb qaadanayaan qaybaha kala duwan ee bulshadda Rayidka ee Galmudug sida uu hadalka u dhigay.

“Dhismaha dawlad-goboleedka Galmudug oo ay dhistaan dhamaan beelaha Galmudug waa lagama maarmaan. Hordhaca dhismaha maamulkaas waa shirka dib-heshiisiinta oo ay horkacayaan hogaanka dhaqanka, kana qaybgalayaan qaybaha bulshada Rayidka ah. Qabanqaabada shirkaas waxey mareysaa gabagabo” ayuu yiri Dr Baadiyoow.

Gudoomiyaha ayaa sidoo kale dad uu war Xumo tashiil ku sheegay uga digay in ay been abuur ka sameeyaan dhismaha Galmudug loo dhanyahay sida uu hadalka u dhigay.

“War-xuma tashiilka iyo dacaayadaha been abuurka ah waa in laga waantoobo oo danaha dadka Reer Galmudug loo tura oo aan lagu milmin khilaafaadka siyaasadeed”.

Hadalka Dr Baadiyow ayaa imaanaya xili uu soo ifbaxay Khilaaf siyaasadeed oo u dhexeeya Madaxda Ahlusunna iyo Dowlada Soomaaliya, kaas oo ragaadin kara dhismaha Galmudugta Cusub.