Newsletter subscribe
Archive

Jabuuti Oo u Tartamaysa Kursi La Siiyay Kenya

Posted: August 22, 2019 at 9:12 am   /   Featured, Arrimaha Siyaasada

Dowladda Jabuuti ayaa sheegtay in aysan wali isdhiibin inkasta oo natiijo shalay ay shacaiyeen Midowga Afrika kursigaasi ku siiyeen dowladda Kenya. Jabuuti waxaa ay sheegtay in kursigaas uu si sax ah ugu guuleysan karo ciddii 3 meelood laba meel ka hesha Xubnaha Golaha guud ee Qaramada Midoobey oo tiradoodu dhantahay 193 dal. Wakiilka joogtada ah […]

No Comments read more

Odayaal cafis ka helay Al-shabaab oo ku xayiran duleedka Baladxaawo

Posted: August 22, 2019 at 9:10 am   /   Xulashada Tafatiraha, Featured, Arrimaha Siyaasada

Odayaal dhaqameed ku sugan duleedka Magaalada Balad Xaawo ayaa sheegay in loo diiday in ay Magaalada galaan kaddib markii ay la soo kulmeen Al-shabaab. Maamulka Magaalada Baladxaawo ayaa Odayaasha u diiday in ay ku soo laabtaan Magaaladaas kaddib markii ay la soo kulmeen Al-shabaab. Odayaasha ayaa hadda ku xayiran duleedka Magaalada Baladxaawo, gaar ahaanna degaan […]

No Comments read more

Mooshin Laga Diyaariyey Dowladda Kenya

Posted: August 21, 2019 at 8:05 am   /   Xulashada Tafatiraha, Featured, Arrimaha Siyaasada

Qaar ka mid ah XIldhibaannada Golaha Shacabka Soomaaliya ayaa diyaariyay mooshin Ciidanka Kenya dalka looga saarayo. Xildhibaan Maxamed Cumar Dhalxa iyo XIldhibaan Cabdi Shire Jaamac ayaa waxaa ay sheegeen in XIldhibaannada ay dhameystireen Mooshin ka dhan ah dowladda Kenya. Xildhibaannada ayaa sheegay in Mooshinkaas golaha shacabka la horgeynayo Golaha shacabka marka uu fadhiga Baarlamaanka Bisha […]

No Comments read more

Laftagareen Oo Liiday Ciidanka Xoogga Dalka

Posted: August 21, 2019 at 8:04 am   /   Xulashada Tafatiraha, Featured, Arrimaha Siyaasada

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koofur Galbeed Soomaaliya C/Caziiz Xasan Maxamed ayaa waxaa uu canaan kala dul dhacay Milatariga Soomaaliya ee ka howlgala degaannada Maamulkaas. Lafta Gareen ayaa sheegay in Ciidanka Milatariga ee Koogur Galbeed jooga ay Fadhiid yihiin, islamarkaana dooneyn howlgallada ka dhanka ah Al-shabaab. Madaxweyne Lafta Gareen ayaa sheegay in Milatariga jooga degaannada Koofur Galbeed […]

No Comments read more

Mareykanka oo Fiiso u diiday Gabadha saaxiibka la ah Ra’isalwasaaraha UK oo timid Somaliya

Posted: August 21, 2019 at 8:03 am   /   Xulashada Tafatiraha, Featured, Arrimaha Siyaasada

Dowladda Mareykanka ayaa fiisaha u diidday Gabadha saaxiibka la ah Ra’isalwasaaraha Dalka Uk Boris Johnson. Waaxda socdaalka Mareykanka ayaa soo diiday codsi fiiso oo ay dirsatay Carrie Symonds, waxaana sababta lagu sheegay in sanad ka hor ay booqasho ku timid Soomaaliya. Haweeneydan ayaa dooneysay in ay Mareykanka u tagto hay’ad ka shaqeysa arrimaha degaanka oo […]

No Comments read more

Axmed Madoobe Oo La Kulmay Xildhibaannada Jubbaland

Posted: August 21, 2019 at 8:01 am   /   Featured, Arrimaha Siyaasada

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubaland Axmed Maxamed Islaam  ayaa waxaa uu kulan la qaatay XIldhibaannada cusub ee Baarlamaanka Maamulka Jubaland. Kulan Casho sharaf ahaa oo uu Xildhibaannada u sameeyay ayaa waxaa uu Xildhibaannada ku weydiistay in ay codkooda siiyaan doorashada Madaxtinimada Maamulkaas ee maalinta barri ah dhaceysa. Xildhibaannada Baarlamaanka Jubaland ayaa intooda badan u ballanqaaday in […]

No Comments read more

Bandow La Geliyey Kismaayo

Posted: August 21, 2019 at 8:00 am   /   Uncategorized

Guddiga amniga Dowlad Goboleedka Jubbaland oo kulan yeeeshay ayaa ka dooday sugidda amniga Magaalada Kismaayo inta lagu guda jiro waqtiga Doorashada. Waxa ay joojiyeen safaradii Magaalada lagu galayay, iyaga oo sheegay in ay Magaalada ka xireen Socdaalka Cirka, Dhulka iyo Badda. Sidoo kale waxa ay yareeyeen dhaq-dhaqaaqa Dadka ku sugan Magaalada Kismaayo laga bilaabo Caawa […]

No Comments read more

Duqeyn Ka Dhacday Shabellaha Hoose

Posted: August 20, 2019 at 7:45 am   /   Featured, Arrimaha Siyaasada

Dowladda Mareykanka ayaa sheegatay in ay saaka weerar ka geysatay Degaanka Kuunya Barroow ee Gobolka Shabeellaha hoose. Qoraal ka soo baxay Taliska Mareykanka ee Afrika ayaa lagu sheegay in duqeyntaas lagu dilay mid ka mid ah Al-shabaab. Duqeynta ayaa lagu sheegay in lagu garab siinayay dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya,waxaana intaas lagu daray in aysan […]

No Comments read more

Taliyeyaasha Ciidamada Kenya iyo Itoobiya ee Soomaaliya oo isku dhacay

Posted: August 20, 2019 at 7:43 am   /   Xulashada Tafatiraha, Featured, Warbiximaha Gaarka Ah

Shalay ayey ahayd markii diyaarad ay leedahay Itoobiya ay Ciidamada Kenya ee jooga Kismaayo u diideen in ay ka degto garoonka diyaaradaha ee magaaladaas. Inkasta oo Kenya iyo Itoobiya ay yihiin dalal xulafo ah haddana waxaa hadda taagan khilaaf u dhaxeeya labada dal gaar ahaanna halka ay ka kala taaganyihiin siyaasadda Soomaaliya. Dowladda Kenya ayaa […]

No Comments read more

Daacishta Soomaaliya Oo u Wareegeysa Itoobiya

Posted: August 20, 2019 at 7:33 am   /   Xulashada Tafatiraha, Featured, Arrimaha Siyaasada

Ururka Daacish qeybtiisa ka dagaallanta Soomaaliya  ayaa sheegay in ay daneynayaan in ay u wareegaan dhinaca dalka Itoobiya halkaas oo ay ka jirto deganaansho la’aan ka dhalatay qowmiyadaha isdiiddan ee dalka Itoobiya. Muuqaal uu baahiyay Ururka islamarkaana la daawan karo muddo saddex daqiiqo ah kuna baxayay afka Amxaariga ayey baahisay Daacishta Soomaaliya. Daacish ayaa muuqaalka […]

No Comments read more

Dagaal Ka Dhacay Duleedka Jowhar

Posted: August 20, 2019 at 7:29 am   /   Featured, Arrimaha Siyaasada

Dhaq dhaqaaqa Al-shabaab ayaa sheegay in saaka aroortii ay weerar ku ekeeyeen saldhig Ciidamada dowladda ku leeyihiin agagaarka Keliga Waraabow ee duleedka Magaalada Jowhar. Warbaahinta Al-shabaab ayaa baahisay in Ciidamada Al-shabaab ay qabsadeen saldhiggaas islamarkaana Ciidamadii dowladda ee ku sugnaa isaga carareen. Waxaa ay sheegeen in weerarkaas ay ku dileen 6 ka mid ah Ciidamada […]

No Comments read more

Wasiirka Amniga: Waxaa Suurtagal Ah In Al-shabaab Weeraraan Dekadda Hobyo

Posted: August 20, 2019 at 7:27 am   /   Featured, Arrimaha Siyaasada

Wasiirka amniga dowladda Soomaaliya Maxamed Abuukar Islow ayaa sheegay in horumarka iyo qorshaha lala damacsanyahay degmada Hobyo ay ka hor yimaadaan Al-shabaab islamarkaana weerar ku qaadaan. Islow oo la hadlayay dadka Magaalada Dhuusamareeb ayaa ugu baaqay in ay taageeraan dowladda,waxaa uu shacabka ugu laab qaboojiyay in dowladda dhexe ay u hagar baxday Maamulka Galmudug. Waxaa […]

No Comments read more