Newsletter subscribe

Arrimaha Siyaasada, Sport

David de Gea oo saxiixaya heshiis cusub

Posted: July 21, 2019 at 11:39 am   /   by   /   comments (0)

Goolhaye David de Gea ayaa saxiixi doona heshiis waqti dheer oo uu kusii joogo Man United, taasna waxey ka dhigi doontaa goolhayaha ugu mushaarka badan kubadda cagta.

Xiddiga reer Spain ayaa loo soo bandhigay mushaar aan caadi aheyn si uu baaqi ugu ahaado garoonka Old Trafford, waxaana la fahamsan yahay inuu qaadan doono mushaar u dhaxeeya 350,000 ilaa 375,000 kun oo Pound, waana rikoor cusub oo aan la fileynin.

28-jirkaan ayaa heysta 12-bilood oo heshiis ah sida ay warbaahinta qireen, maadaama maamulka Red Devils ay ka hor dhamaadka fasal ciyaareedkaan shaaciyeen iney sanadkii dheeriga ahaa ee horay loogu heshiiyay ku kordhiyeen heshiiskiisa.

Si kastaba xiddigaan wuxuu baaqi kusii ahaan doonaa Old Trafford ilaa 2025, maadaama uu saxiixi doono heshiis lix sanadood ah, wuxuuna xiddigaan hantay xiddiga ugu fiican fasal ciyaareedka kooxdiisa tiro afar jeer oo xiriir ah waana rikoor isaga u gaar ah.

2011 ayuu kooxdaan kusoo biiray isagoo kaga yimid Atletico Madrid, wixii intaas ka dambeeyay wuxuu noqday mid ay mahdiyaan maamulka, ciyaartoyda iyo jamaahiirta maadaama uu qabtay sanadahii ugu dambeeyay shaqo aad u cajiib badan.