Newsletter subscribe

Featured, Arrimaha Siyaasada

Dowladda Soomaaliya oo soo dhawaysay dagaal maleeshiyaad deegaan ah Al shabaab kula galeen Bakool

Posted: September 21, 2019 at 11:24 am   /   by   /   comments (0)

Dowladda  Faderaalka Soomaaliya ayaa soo dhawaysay dagaal deegaano ka tirsan Gobolka Bakool ee Koofur Galbed Soomaaliya ku dhexmaray Maleeshiyaad deegaanka ah iyo Al shabaab.

War- Saxaafadeed ka soo baxay dowladda Federalka Soomaaliya, ayaa lagu soo dhaweeyay kacdoonka maleeshiyaad deegaanka  ah ay wadaan ,kaasi oo ka dhan ah Al-Shabaab sida ay sheegtay Xukumada Soomaaliya.

“Kacdoonka shacabka ee looga soo horjeedo kooxda Al-Shabaab, wuxuu horay uga socday gobollada Shabeellada Dhexe, Mudug iyo Hiiraan, taasoo lagu wiiqay itaalka kooxda Al-Shabaab ee maafiyada ah,,dowladdu waxay ugu baaqaysaa shacabka Soomaaliyeed in ay kala shaqeeyaan la dagaalanka kooxda Al-Shabaab oo duulaanka ku ah Diinta, Dadka, Hanitda iyo dowladnimada Soomaaliya.”ayaa laggu yiri war-saxaafadeedka.

Warka ka soo baxay Xukumada Soomaaliya ayaa sidoo kale lagu sheegay in dowlada Soomaaliya ay isku soo dhiibaan Saraakiil ka tirsan Al shabaab, sidoo kalana ay deegaano ka qabsadeen sida lagu yiri warka ka soo baxay Dowlada Soomaaliya.

“Shacabka Soomaaliyeed, waxaan xasuusinaynaa in kooxda Al-Shabaab ay si xoog leh u wiiqmayaan bilihii lasoo dhaafay, iyadoona ay dowladda ay isu soo dhiibeen horjoogayaal iyo gacan ku dhiigla yaal ka tirsan kooxdaas”.

Warkaan ka soo baxay Dowlada Soomaaliya ayaa imaanayo Maalmo uun ka dib markii Maleeshiyaad la magacbaxay Cali Qaran ay Shabaab dagaal kula galeen deegaano ka tirsan Gobolka Bakool ee Koofur Galbeed Soomaaliya.