Newsletter subscribe

Featured, Arrimaha Siyaasada

Faah Faahin: Qarax Ka Dhacay Duleedka Boosaaso

Posted: July 14, 2019 at 6:41 pm   /   by   /   comments (0)

Ciidamo ka tirsan kuwa Dowlad Goboleedka Puntland ayaa qarax miino lagula beegsaday meel banaanka ka ah Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari.

Qaraxan oo ahaa sida la sheegay Miinada dhulka la geliyo ayaa waxaa lala beegsaday Ciidamo ka tirsan kuwa Puntland oo marayay degaanka Balli-Khadar lagu magacaabo.

Xilliga uu qaraxa dhacayay Ciidamada ayaa waxaa ay mareeyeen degaankaas iyaga oo ka baxay Boosaaso kuna sii socday Buuraleyda Galgala ee Gobolka Bari halkaas oo ay ka dagaallamaan Al-shabaab iyo Daacish.

Lama sheegin ilaa hadda khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay weerarkaas inkasta oo Al-shabaab ay sheegeen in Gaari nooca Cabdi Bilaha loo yaqaanno lala beegsaday qaraxa.

Maamulka Puntland wali kama hadlin weerarkaas maanta ka dhacay duleedka Magaalada Boosaaso.

Dhinaca kale Al-shabaab ayaa sheegatay in degaanka Baar Sanguuni ee Gobolka jubada hoose ay qarax kale kula beegsadeen Ciidamo ka tirsan Jubaland iyo kuwo Mareykanka ah.

Al-shabaab ayaa ku faanay in weerarkaasi lala beegsaday Ciidamada DANAB ee uu tababaro Mareykanka sida ay hadalka u dhigeen.

Ma jiro war ka soo baxay dhinaca Maamulka Jubaland oo la xiriira sheegashada Al-shabaab ee weerarka Baar Sanguuni.