Newsletter subscribe

Featured, Sport

“Griezmann wuxuu saameyn weyn ku yeelan doonaa Barcelona”

Posted: July 30, 2019 at 7:09 am   /   by   /   comments (0)

Xiddigii hore kooxda Real Madrid haatana u ciyaara Real Sociedad ee Asier Illarramendi ayaa muujiyay sida uu u aaminsan yahay in Antoine Griezmann oo horey ay saaxiibo ku soo noqdeen Real Sociedad uu sameyn weyn ku yeelan doono Barcelona isla markaana bandhig fiican ku sameyn doono maaliyada Blaugrana.

Griezmann ayaa kasoo dhaqaaqay Atletico Madrid isagoo u dhaqaaqay kooxda Barcelona inta lagu guda jiray suuqa kala iibsiga xagaaga, kaddib markii la bixiyay qiimaha lagu kansalay heshiiskiisa ee gaarsiisnaa 120 milyan euro.

Illarramendi ayaa sheegay in Antoine Griezmann uu ka noqon doono kooxda Barcelona cayaaryahan aad muhiim u ah, isla markaana arrintaas si dhaqsi ah ku dhici doonto.

Ousmane Dembélé ayaa ku fashilmay inuu u buuxiyo kooxda Barcelona booskii uu ka baxay Neymar Jr xagaagii 2017, taasoo ku kalliftay kooxda reer Catalonia inay lasoo saxiixato Antoine Griezmann.

Illarramendi ayaa wareysi uu bixiyay wuxuu kaga hadlay arrinta Antoine Griezmann wuxuuna yiri:

“Waxaan u maleynayaa in Antoine Griezmann uu horay u muujiyay sida uu u yahay ciyaaryahan fiican”.

“Way iska cadahay in wax weyn uu ku soo kordhin doono kooxda Barcelona”.

“Si fiican ayuu u shaqeynayaa, sidii aan ku aragnay la shaqeyntiisa Diego Simeone, marka lagu daro inuu si wanaagsan goolal u dhalin karo, waxaan u maleynayaa inuu muhim u noqon doono Barcelona” ayuu hadalkiisa ku soo xiray xiddigii hore kooxda Real Madrid ee Illarramendi.