Newsletter subscribe

Featured, Arrimaha Siyaasada

Gudoomiyaha Matabaan ee Ahlusunna oo sheegay in uu la shaqaynayo Maamulka Hirshabeelle

Posted: December 2, 2019 at 9:44 am   /   by   /   comments (0)

Gudoomiyaha degmada Matabaan ee Gobolka Hiiraan Xuseen Salaad Ibraahim ayaa dib ugu laabtay Degmadaasi oo uu baxay dhawaan markii halkaasi uu iska hor imaad ku dhexmaray Ciidamo ka tirsan Ahlusunna iyo ciidamo uu watay Wasiirka Arimaha gudaha Soomaaliya Cabdi Maxamed Sabriye.

Gudoomiyaha ayaa kulan la qaatay qaybaha kala duwan ee Bulshada Matabaan ayaa sheegay in degmadaasi ay ku soo dhaweynayaan Dowladda Faderaalka Soomaaliya iyo Maamulka Hirshabeelle uu ugu horeeyo Madaxweyne Maxamed Cabdi Waare iyo ku xigeengiisa Cali Guudlaawe.

Xuseen Salaad Ibraahim Gudoomiyaha Matabaan ayaa sheegay in uu ka cudur daaranayo dagaalkii horay uga dhacay Matabaan isla markaana uu diyaar u yahay la shaqaynta Dowlada Soomaaliya iyo Hirshabeelle,isla markaana cid walba oo deegaanka imaanaysa ay gacmo furan ku soo dhaweynayaan sida uu hadalka u dhigay.

Gudoomiyaha ayaa ugu baaqay guddi ka kooban odayaal oo la magacbaxay guddiga Samatabixinta Matabaan in ay la shaqeeyaan Maamulkiisa oo uu sheegay in uu diyaar u yahay Samatabixinta degmada Matabaan.

Maamulka Hirshabeelle ayuu uga mahadceliyay Mashaariic hormarineed oo ay ka hirgaliyeen Matabaan oo dhacda xuduudka Goboladda Hiiraan iyo Galgaduud ee Bartamaha Soomaaliya.

Matabaan waxaa in ka badan 10 Sano Maamulayay Ahlusunna waxa ayna ka tirsantahey Gobolka Hiiraan oo hoostaga Hirshabeelle,waxaana isbadalka Maamul ee ka dhacay Galmudug, Hirshabeelle u suurta galinayaa in ay gacanta ku dhigaan Matabaan.

Dowladda Soomaaliya ayaa markii ay gacanta ku dhigtay Matabaan waxa ay gaysay Ciidamo ka tirsan Booliska Soomaaliya oo loo Xilsaaray amaanka Magaalada waxaan markii ugu horeysay degmadaasi laga taagay Calanka Maamulka Hirshabeelle.