Newsletter subscribe

Featured, Sport

“Kama laba-labeyn laheyn inaan mar labaad la saxiixdo Neymar Jr” – Xavi Hernandez

Posted: July 25, 2019 at 11:23 am   /   by   /   comments (0)

Tababaraha kooxda Al Sadd ee Xavi Hernandez ayaa ugu baaqay kooxdiisii hore ee Barcelona inay isku dayaan inay la soo wareegaan markale xiddiga reer Brazil iyo kooxda Paris Saint-Germain Neymar Jr haddii ay macquul tahay.

Neymar ayaa xagaagan lala xiriirinayay inuu ka tagayo kooxda Paris Saint-Germain iyadoo ay jirto inuusan ku faraxsaneyn hab dhaqanka maamulka kooxda reer France, waxayna u muuqataa in kooxda ugu dhow ee heli karta adeegiisa ay tahay Barcelona.

Xavi Hernandez ayaa si cad u sheegay in hadii uu go’aanka gacmihiisa ku jiri lahaa uu go’aansan lahaa inuu mar labaad la soo saxiixdo Neymar Jr, wuxuu sheegay inuu leeyahay hibo aad u weyn isla markaana uu muhiim u noqon doono kooxda, inkastoo ay lasoo wareegeen Antoine Griezmann.

Yeelkadeeda Wargeyska “Marca” ee dalka Spain ayaa daabacay wareysi uu bixiyay Xavi Hernandez waxaana hadaladiisa ka mid ahaa:

“Neymar Jr waa ciyaaryahan weyn, laakiin aniga ma ihi qofka go’aaminaya, laakiin hadii ay ii sheegaan suurtogalnimada uu markale dib ugu soo laaban karo kooxda, waan la soo wareegi lahaa”.

Intaas kaddib Xavi Hernandez ayaa wuxuu ka hadlay heshiiska uu Antoine Griezmann ku yimid kooxda Barcelona wuxuuna yiri:

“Waa ciyaaryahan caalami ah, Barcelona waxay la soo saxiixatay ciyaaryahan aad u fiican, faa iido ayeyna u yeelan doontaa kooxda”.