Featured, Warbiximaha Gaarka Ah
Kenya Oo Difaaceysa Axmed Madoobe
Dowladda Kenya ayaa sheegtay in siyaasiga kaliya ee ay ka aaminsantahay Siyaasiyiinta Soomaalida ay difaaci doonto xilliga adag ee uu hadda ku jiro.
Wargeyska Hivisasa ee ka soo baxa Dalka Kenya oo soo xiganaya Afhayeenka Ciidanka Kenya Paul Njuguna, ayaa sheegay in Ciidamada Kenya aysan ka bixi doonin Kismaayo ama meel ka mid ah Jubaland.
Waxaa uu Paul Njuguna sheegay in Axmed Madoobe yahay siyaasiga runta ah ee xulufada la ah Dowladda Kenya.
Waxaa uu sheegay in dadaalka uu Axmed Madoobe ugu jiro soo laabashada doorashada dhaceysa 24ka August ay dowladda Kenya ku garab taagantahay.
Waxaa kale oo uu Paul Njuguna sheegay in Ciidamada Kenya aysan ka bixin kana bixi doonin Kismaayo iyo Dhoobleey, kana difaaci doonaan AL-shabaab.
Dowladda Kenya ayaa si guud u beenisay warar sheegayay in Ciidamadeeda ay ka baxayaan magaalada Kismaayo islamarkaana magaalada la wareegayaan Ciidamo Itoobiyaan ah oo ka tirsan AMISOM.
Paul Njuguna, ayaa ballanqaaday in dowladda Kenya aysan meel cidlo ah uga tagi doonin Axmed Madoobe oo ay isla soo jabhadeeyeen xilligii ay dagaalka kula jireen AL-shabaab ee laga saarayay Magaalada Kismaayo.
Waxaa uu Afhayeenku sheegay in Axmed Madoobe uu ahaan doono xulufada ay aaminsantahay (trusted ally) ee Jubaland.
Recent Comments