Newsletter subscribe

Featured, Sport

Lakaku Ma Tagayaa Man United?

Posted: July 16, 2019 at 12:25 pm   /   by   /   comments (0)

Tababaraha kooxda Manchester United ee Ole Gunnar Solskjær ayaa wuxuu ka hadlay wararka xanta ah ee la xiriirinaya Romelu Lukaku inuu ka tagayo Red Devils suuqan xagaaga.

Dhinaca kale Ole Gunnar Solskjær ayaa rajeeyay in David de Gea uu qandaraaska u kordhin doono Red Devils si uu u sii joogo mudada ugu fog ee ugu macquulsan garoonka Old Trafford.

Manchester United ayaa ku dhow inay heshiis la gaarto David de Gea si uu u saxiixo heshiis cusub uu ku sii joogayo Red Devils, iyadoo xiddigan reer Spain uu noqon doono goolhaayaha ugu mushaarka qaalisan kubadda cagta adduunka.

Hadaba Ole Gunnar Solskjær oo kasoo muuqday shir jaraa’id kahor kulanka saaxiibtinimo ay la ciyaari doonaan Leeds United ayaa wuxuu yiri:

“David de Gea wuxuu ciyaari doonaa kulanka barri, waxaan rajeyneynaa inaan heshiis la gaarno isaga, hadii ay sidaas dhacdo, waxaa si rasmi ah loogu dhawaaqi doonaa heshiiskiisa cusub”.

Intaas kaddib tabbare Ole Gunnar Solskjær ayaa waxaa wax laga weydiiyay wararka xanta ah ee la xiriirinaya Romelu Lukaku inuu ka tagayo Red Devils suuqan xagaaga wuxuuna yiri:

“Maalinta uu daah furmi doono horyaalka Premier League, ciyaartoyda oo dhan waxay ku soo bandhigi doonaan kooxda Manchester United wax walba oo awoodoodu gaarsiisan tahay, marka uu horyaalka bilaawdo waxaan heysan doonaa boggag cusub, waxaana noqon doonaa kuwo mideysan”.