Newsletter subscribe

Xulashada Tafatiraha, Featured, Arrimaha Siyaasada

Mac-hadka diblomaasiyadda qaranka oo xarigga laga jarayo

Posted: December 1, 2019 at 5:54 am   /   by   /   comments (0)

Magaalada Muqdisho waxaa lagu wadaa in maalinta berri ah xarigga laga jaro Mac-hadka diblomaasiyadda qaranka kaas oo dib u dayactir lagu sameeyay.

Mac-hadkan oo ay diblomaasiyadda ku baranayaan diblomaasiyiinta Soomaaliyeed ayaa waxaa qarashka dib u dhiska loogu sameeyay bixisay Dowladda Qadar.

Munaasibadda xarig jarka Mac-hadka diblomaasiyadda Qaranka ayaa waxaa ay dhaceysaa maalinta berri ah oo ay taariikhdu ku beegantahay 2da Bisha December.

Mas’uuliyiin ka tirsan Wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya, diblomaasiyiin iyo wakiillo ka socda dowladda Qadar ayaa lagu wadaa in ay ka qeybgalaan munaasibadda xarig jarka Mac-hadka diblomaasiyadda qaranka ee dib u dhiska lagu sameeyay.

Diblomaasiyiinta Soomaalida ah ee da’yarta ah ayaa hadda koorsooyinka diblomaasiyadeed dibadaha ku soo qaata, iyada oo howlahaasi la filayo in Mac-hadkan uu qabto marka xarigga laga jaro maalinta berri ah.

Mac-hadkan ayaa waxaa la aas aasay sanadkii 1986dii,waxaana uu ka mid ahaa macaahiddii ay wax ku baran jireen diblomaasiyiinta Soomaaliyeed.

Waxaa saameeyay dagaalladii sokeeye ee dalka ka dhacay,waxaana dib u dayactirkiisu muhiim u yahay barashada diblomaasiyadda.