Newsletter subscribe

Uncategorized

Mas’uuliyiin Ku Geeriyootey Qarax Ismiidaamin Ah Oo Ka Dhacay Muqdisho

Posted: July 24, 2019 at 6:09 pm   /   by   /   comments (0)

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya khasaaraha qarixii xoogganaa ee gelinkii danbe ee maanta ka dhacay gudaha Aqalka dowladda Hoose ee Xamar, xili uu halkaasi ka socday kulanka todobaadlaha ah ee looga arinsado amaanka Caasimadda.

Sida wararku sheegayaan dadka qaraxa ku dhintay waxaa kamid ah Gudoomiyihii degmada Waaberi Mahad Cilmi, Gudoomiyihii Degmada C/casiis, Safiya C/laahi Asad, Agaasimihii Nadaafada Gobolka Banadir Cabdi Fitaax Cumar Xalane, Agaasimihi Shaqada iyo Shaqaalaha Cabdulahi Dheere iyo xubno kale.

Sidoo kale waxaa qraaxa dhaawacyo ay ka soo gaareen Gudoomiyaha gobolka Banaadir C/raxmaan Cumar Cismaan Yariisoow, Gudoomiyayaha Warta-Nabada, Gudoomiyaha Xamarweyne, Agaasimaha Xiriirka degmooyinka Dhega Cadde iyo Gudoomiye Kuxigeenka Siyaasada Kaxda.

Sidoo kale waxaa dhaawacyo iyo dhimasho soo gaaray shaqaale ka tirsan Aqalka dowladda Hoose, Askar iyo dad Shacab ah oo u shaqa doontay xarunta, wallow aan tirakoobka rasmiga ah ee dadkaas wax noqday wali la soo saarin.

Gudoomiye Kuxigeenka Amniga iyo Siyaasada gobolka Banaadir Maxamuud C/llaahi Tuulax, ayaa sheegay inuu jiro khasaare xooggan oo uu sababay qaraxa, haatanna ay ku howlan yihiin sidii loo badbaadin lahaa dhibanayaasha.

Qof isku soo xiray walxaha qarxa ayaa la sheegay inuu gudaha u galay dhismaha Aqalka dowladda Hoose, isagoo sii abaartay hoolka ay ku shirsanaayeen mas’uuliyiintan, iyagoo ka arinsanayay amaanka Caasimadda.

Weerarka waxa uu dhacay wax yar uun ka dib, markii uu goobta ka tagey Wakiilka Qaramada Midoobe u qaabilsan arrimaha Somaliya, James Swan, isagoo fariistay hoolka ay ku sugnaayeen mas’uuliyiintan dhimashada iyo dhaawaca noqotay.

Wakiilka oo duhurnimadii maanta Dowladda Hoose gaaray ayaa kula kulmay masuuliyiin uu ugu sareeyay Gudoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, C/raxmaan Cumar Cismaan (Yariisow)