Newsletter subscribe

Featured, Sport

Maxay Inter Milan Ugu Fashilantay Dhameystirka Heshiiska Lukaku?

Posted: July 30, 2019 at 7:06 am   /   by   /   comments (0)

Madaxa fulinta kooxda Inter Milan ee Giuseppe Marotta ayaa ka hadlay sababaha keenay inay ula saxiixan waayaan ilaa iyo haatan weeraryahanka Manchester United ee Romelu Lukaku.

Kooxda Nerazzurri ayaa soo bandhigtay 70 milyan euro, laakiin Manchester United ayaa ku adkaysatay inay hesho 85 milyan euro oo kaash ah, kahor inta aysan galin wada hadalada ay ku iibineyso xiddiga reer Belguim.

Hadaba madaxa fulinta ee kooxda Inter Milan ee Giuseppe Marotta ayaa shir jaraa’id uu qabtay wuxuu ku sheegay:

“Kooxda waa mid dhaqaale ahaan xoogan, laakiin waxaan u baahanahay inaan ku sii jirno qaab cayiman”.

“Kooxda ayaa sameysay maal gashi muhiim ah waxaanna u maleynaynaa inaan hada ku jirno marxalad wanaagsan”.

Intaas kaddib Giuseppe Marotta ayaa si gaar ah wax looga weydiiyay lacagta ay ku dooneyso kooxda Manchester United inay ku iibiso Lukaku ee ah 85 milyan oo euro wuxuuna yiri:

“Waxaan diyaar u nahay inaan heshiiska sameyno, laakiin dalabyada maalmahan aad ayey u sarreeyaan”.

“Waxaan dalab adag u gudbinay Manchester United waxaana u maleynaynaa inuu yahay mid ku haboon laacibkan, laakiin waan awoodi weynay haatan inaan soo gabagabeyno heshiiska, waxaan sii wadi doonnaa kormeerka xaaladan iyo waxkasta oo suuqa ka dhici kara”.