Newsletter subscribe

Xulashada Tafatiraha, Featured, Arrimaha Siyaasada

NISA Oo Qabatay Shaqsi Bam Tuuri Lahaa

Posted: December 4, 2019 at 10:39 am   /   by   /   comments (0)

Hay’adda Nabad sugidda iyo sirdoonka Qaranka ee NISA ayaa soo bandhigtay sawirka Nin ay sheegtay in uu qorsheynayay in uu weerar fuliyo.

Nabad Sugidda Soomaaliya ma sheegin magaca Ninka ay qabteen iyo goobta uu qorsheynayay in uu weerarka ka geysto.

Bogga Twitterka ee Nabad Sugidda Soomaaliya ayaa lagu daabacay qoraal kooban oo lagu sheegay in Ninkaasi uu doonayay in uu geysto weerar isaga oo adeegsanaya Bam-gacmeed hay’adaha amaankana ay gacanta ku dhigeen.

Qoraalka Hay’adda Nabad sugidda iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliya ayaa u qoran.

“Ciidamada Amniga, ayaa caawa gacanta kusoo dhigay dhagarqabe katirsan AS, isagoo doonayey inuu Bam-gacmeed tuuro, waxaana la qabtay isagoon wax qasaara ah u gaysan shacabka. Waxaana la xisaabtamaya hay’adaha ku shaqada leh.”.