Newsletter subscribe

Xulashada Tafatiraha, Featured, Arrimaha Siyaasada

Odayaasha Boosaaso oo iska fogeeyay in ay adeegsaneyso dowladda Soomaaliya

Posted: December 4, 2019 at 10:41 am   /   by   /   comments (0)

Odayaasha Dhaqanka Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari ayaa waxaa ay beeniyeen warar ay baahiyeen saraakiil ka tirsan Maamulka Puntland ee uu hoggaamiyo Siciid Cabdullahi Deni.

Odayaasha oo shir ku yeeshay Boosaaso ayaa beeniyay in aysan u adeegin dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya waxa kaliya ee ay ka hadlayaanna tahay danaha dadka Puntland.

Maamulka Puntland iyo Odayaasha Gobolka Bari ayaa isku qabtay qandaraasyada Puntland iyo heshiisyada ay la gashay hay’adaha laga leeyahay Imaaraadka Carabta ee Maamulaya Dekadda iyo Garoonka Diyaaradaha Boosaaso.

Odayaasha oo dhowr mar shirar ku yeeshay Boosaaso ayaa dhaliilay sida Maamulka Deni uu ilaha dhaqaalaha muhiimka ah ugu gacangeliyay Imaaraadka iyaga oo sheegay in sharikadda DPWorld aysan waxba ka qaban Dekadda Boosaaso.

Hadalkaas oo ka careysiiyay Deni iyo maamulkiisa ayaa sababay in Ciidamada amaanka guryahooda habeenkii ugu dhacaan qaar ka mid ah Odayaashaas oo ilaa hadda gacanta lagu dhigan 5 ka mid ah kuwaas oo ku jira Xabsiyada Puntland ee Boosaaso.