Newsletter subscribe

Xulashada Tafatiraha, Featured, Arrimaha Siyaasada

Puntland oo xabsiga dhigtay siyaasi bilo ka hor la sii daayay

Posted: December 2, 2019 at 9:33 am   /   by   /   comments (0)

Ciidamada amaanka Maamulka Puntland ayaa magaalada Boosaaso ka xiray siyaasiga Muuse Cali Jaamac oo ka mid ahaa siyaasiyiinta Puntland.

Ninkan ayaa waxaa uu ka mid yahay tiro siyaasiyiin iyo odayaal ah oo hay’adaha amaanka Puntland ay dhowrkii habeen ee la soo dhaafay ka xireen Magaalada Boosaaso.

Dadkan oo ay Puntland ku eedeysay in ay ka soo horjeedaan maamulka uu hoggaamiyo Siciid Cabdullahi Deni iyo heshiiska DPWorld ku maamuleyso Dekadda Magaalada Boosaaso  ayaa waxaa ay dhowr jeer shirar ka dhan ah Puntland ku qabteen Boosaaso.

Saddex Maalin ka hor Odayaal iyo siyaasiyiinta Magaalada Boosaaso ayaa waxaa ay shir jaraa’id ku qabteen Boosaaso iyaga oo diiday sida Puntland ula shaqeyso DPWorld.

Intaas wixii ka dambeeyay habeen walba waxaa guryahooda Boosaaso lagala baxayay Odayaasha dhaqanka iyo siyaasiyiinta shirkaas ka qeybgalay.

Muuse Cali Jaamac ayaa dhowr bilood ka hor Maxkamad ku taalla Boosaaso dambi ku weysay markii loo qabtay in uu akhriyay war-saxaafadeed ay Odayaasha soo saareen oo ka dhan ahaa DPWorld.