Newsletter subscribe

Xulashada Tafatiraha, Featured, Arrimaha Siyaasada, Warbiximaha Gaarka Ah

Sheekh Shariif Oo Lagu Xayiray Garoonka Aadan Cadde

Posted: September 22, 2019 at 2:55 pm   /   by   /   comments (0)

Maanta waxaa garoonka diyaarahada Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho lagu xayiray Sheekh Shariif Sheekh Axmed, Madaxweynihii hore ee dalka, xilli uu ku wajahnaa magaalada Kismaayo.

Ammar kasoo baxay dowladda ayaa lagu diiday in Sheekh Shariif iyo xubno kale oo la socday ay aadaan Kismaayo, iyadoo diyaaraddana lagu amray inaanay magaaladaasi u duulin.

Arrintaasi ayaa keentay dood badan, waxaana ugu dambeyn lagu fashilmay in Sheekh Shariif iyo Wefdigiisa aadaan magaalada Kismaayo.

Dowladda ayaan weli ka hadal, sababta ay ku diidday in Sheekh Shariif aado Kismaayo, waxayna taasi keentay hadalhayn aad u badan.

Sida ay ogaatay Maandeeq News, sababta loo diiday ayaa ah inuu ka qeybgalo Caleema Saarka madaxweyne Axmed Madoobe oo lagu wado iney ka dhacdo Kismaayo.