Newsletter subscribe

Featured, Sport

Victor Lindelof Oo Ka Hadlay Mustaqbalkiisa Manchester United

Posted: July 16, 2019 at 12:28 pm   /   by   /   comments (0)

Daafaca reer Sweden iyo kooxda Manchester United ee Victor Lindelof ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay joogitaankiisa Red Devils, isagoo dhinaca kale tilmaamay inuu sigi la’ayahay bilaabashada xili ciyaareedka cusub si uu markale u difaaco maaliyada United-ka.

Victor Lindelof oo 24 jir ah ayaa lala xiriirinayay ka ciyaarista kooxda Barcelona, kaddib markii ay tilmaameen wargeysyada dalka Spain iyo kuwa England in Blaugrana ay xiiseeneyso adeegiisa.

Laakiin waxay u muuqataa in daafaca reer Sweden uusan dooneynin inuu ka tago Manchester United, waxaana uu carabka ku adkeeyay inuu doonayo inuu sii wato kooxdiisa reer England.

Sida laga soo xigtay shabakada caalamiga ah ee “Goal” Victor Lindelof ayaa sheegay:

“Aad ayaan ugu faraxsanahay inaan noqdo ciyaaryahan ka tirsan kooxda Manchester United, waxaan sugi la’ahay bilaabashada xili ciyaareedka cusub si aan markale kaga soo muuqdo kooxdeyda”.

“Taasi waa jawaabteyda, waan ku faraxsanahay halkan”.

“Xilli ciyaareedkii hore wuxuu ahaa kii iigu fiicnaa ee Manchester United, wuxuu xoogaa ka fiicnaa xili ciyaareedkeygii iigu horeeyay, waana ku faraxsanahay sababtoo ah taageerayaasha United-ka waxay u maleenayaan inaan ahay daafaca ugu fiican ee kooxda xiligan la joogo”.

“Waxaan kaliya isku dayayaa inaan ku sameeyo sida ugu fiican kooxda Manchester United, waana sababta aan u shaqeynayo isla markaana aan u sameenayo tababar aad u adag, si aan u caawiyo kooxda”.