Newsletter subscribe

Featured, Sport

Waqtiga Uu Matthijs de Ligt Caafimaadka u Mari Doono Juventus!

Posted: July 16, 2019 at 12:23 pm   /   by   /   comments (0)

Daafaca da’da yar ee qaranka Holland Matthijs de Ligt ayaa usoo duuli doona magaalada Turin si uu halkaas caafimaadka ugu maro kooxda Juventus, wararka ka imaanaya talyaaniga ayaana qiraya inuu ugu wareegi doono marwada lacag dhan 65 Malyan oo Yuuro iyo gunno isku tagi doonta 75 Malyan oo Yuuro.

Sky Sports Italia ayaa fahamsan in heshiiska la isla meel dhigay isla markaana xiddiga uu fiidnimada caawa ah soo gaari doono magaalada Turin, halka uu berito caafimaadka ku mari doono xarunta J-Medical Juventus ee Turin.

Agaasimaha kooxda Ajax Marc Overmars ayaa xaqiijiyay in wax walba dhaw yahiin, kaliyana ay hartay iney lacagta ku arkaan akoonkooda.

Bisha soo aadan ayuu 20-jirsan doonaa daafacaan heerka caalami ee isbaray adduunka fasalkii dhamaaday, sida la ogyahay xilli hore ayuu heshiiska shaqsiga ah la gaaray kooxda difaacaneysa horyaalka, wuxuuna xiran doonaa lambarka 4-aad.

Xiddigaan wuxuu kasoo dagi doonaa garoonka diyaaradaha Caselle Airport, waana halkii uu sanad ka hor kasoo dagay Cristiano Ronaldo, waxaa la fahamsan yahay in xiddigaan uu kooxda kaga bixi karo kaliya 150 Malyan oo Yuuro, kuna darso in sanad walba ay lacag ku darsami doonto.

Xiddigaan reer Dutch durba 15-jeer ayuu kasoo muuqday qaranka Holland, waana mid ka mid ah xiddigaha kasoo baxay akadeemiga kooxda.

117-kulan ayuu u saftay kooxda waaweyn ee Ajax, isagoo dhaliyay 13-gool, waxaana ka mid ah goolashaa mid uu fasalkii dhamaaday koobka Champions League kaga reebay kooxda uu kusoo biiri doono ee Bianconerri.