Newsletter subscribe

Featured, Sport

Xiddig hore ee kooxda Manchester United ah oo dabka ku sii shiday xaalada Paul Pogba

Posted: July 25, 2019 at 11:22 am   /   by   /   comments (0)

Ciyaaryahankii hore kooxda kubadda caga Manchester United ee Louis Saha ayaa weerar dhanka afka ah ku qaaday xiddiga ay isku wadanka kasoo wada jeedaan ee Paul Pogba, sababa la xiriira hadaladii uu ka dhawaajiyay bishii lasoo dhaafay ee June.

Xiddiga reer France ayaa sheegay inuu doonayo tartan cusub, kaliya seddex sano kaddib markii uu dib ugu soo laabtay garoonka Old Trafford, isagoo kaga soo dhaqaaqay kooxda reer Talyaani ee Juventus.

Waxaa la fahansan yahay in 26-sano jirkan lala xiriirinayo kooxda Real Madrid inta lagu gudi jiro suuqan xagaaga, laakiin ma jiro wax damac ah ee ku jira saraakiisha Red Devils si ay u iibiyaan Pogba.

Hadaba ciyaaryahankii hore kooxda kubadda caga Manchester United ee Louis Saha  oo ka hadlayay arrinta Paul Pogba ayaa wuxuu u sheegay saxaafada:

“Aad ayaan uga xumahay hadaladiisa, laakiin maxaad sameyn kartaa?”.

“Way igu adag tahay inaan fahmo sababta ay ciyaartoygu ugu muujiyaan naftooda sidan, Ilaa iyo inta ay doonayaan inay dhaqaaqaan, waan fahmay taas, laakiin uma maleynayo inay waxani tahay in la sameeyo, aad ayaan uga xumahay sababtoo ah waa ciyaaryahan ku weyn kooxda”.

“Waxaan rajeynayaa inuu awoodo inuu sii joogo United, laakiin way adag tahay in la arko, maxaa yeelay marka aad sheegto hadaladan oo kale ah way adagtahay in xaalada la maareeyo, xaalada uma fududaan doonto Ole Gunnar Solskjær”.