Newsletter subscribe

Featured, Sport

Xidig Caan Ah Oo Isaga Tagay Real Madrid

Posted: July 30, 2019 at 7:08 am   /   by   /   comments (0)

Kooxda Real Madrid ayaa ku dhawaaqday inuu ka tagay mid ka mid ah xiddigaheeda, kaasoo ah Borja Mayoral, wuxuuna ku biiray naadiga Levante ee dalka Spain.

Los Blancos ayaa waxay ku xaqiijisay war rasmiga ah ay soo saartay in Borja Mayoral uu heshiis amaah oo hal xili ciyaareed ah uu ugu dhaqaaqay kooxda Levante, ee ah ilaa iyo Juun 30, 2020.

22 jirkan ayaa xili ciyaareedkii lasoo dhaafay wuxuu heshiis amaah ee hal xili ciyaareed ah ku soo qaatay isla kooxdan Levante, iyadoo ay Real Madrid markale go’aansatay inay amaah ku siiso.

Real Madrid ayaa go’aansatay inay kaga takhalusto ciyaartoy dhowr ah nidaamka amaahda ah inta lagu guda jiro suuqa kala iibsiga xagaaga, kii ugu dambeeyay wuxuu ahaa Dani Ceballos oo u dhaqaaqay Arsenal, halka aan wali la go’aaminin arrinta James Rodríguez.

Borja Mayoral, ayaa xilli ciyaareedkii lasoo dhaafay wuxuu ciyaaray 33 kulan oo ah tartamada oo dhan, wuxuuna dhaliyay 5 gool, isagoo sidoo kale ka caawiyay xulkiisa qaran Spain xagaagan inuu ku guuleysto Koobka Qaramada Yurub, xiddigaha ay da’adooda ka yartahay 21 jirada.