Newsletter subscribe

Featured, Sport

Zidane oo ku dhawaaqay in Gareth Bale uu ka tagayo kooxda Real Madrid

Posted: July 21, 2019 at 11:40 am   /   by   /   comments (0)

Tababaraha kooxda Real Madrid ee Zinedine Zidane ayaa shaaca ka qaaday sababta uusan Gareth Bale kaga soo muuqan kulanka saaxiibtinimo ay subaxnimda maanta oo Axad ah wada ciyaareen kooxaha Real Madrid  iyo Bayern Munich.

Zinedine Zidane ayaa shir jaraa’id uu kasoo muuqday kaddib ciyaarta wuxuu ku xaqiijiyay in wixii xiligan ka dambeeya ay Real Madrid ka shaqeyn doonto bixitaanka Gareth Bale inta lagu gudi jiro suuqan xagaaga, waliba sida ugu dhaqsida badan.

Hadaladii uu macalinka reer France ee Zidane ka sheegay shirkiisa jaraa’id kaddib ciyaarta waxaa ka mid ahaa:

“Gareth Bale ma uusan ciyaarin kulanka maanta, sababta waxay tahay inuu ku dhowyahay inuu baxo, waxaan rajeyneenaa inuu baxi doono maanta ama barri, waxaan ka shaqeyneynaa inaan soo afjarno sida uu ugu biiri lahaa koox cusub”.

Si kastaba ha ahaatee, Real Madrid ayaa kala kulantay kooxda Bayern Munich guuldaro 3-1 ah kulan saaxiibtimo ee ku soo idlaaday dhowr sacadood kahor dalka Mareykanka.