Newsletter subscribe
September 2019

Sheekh Shariif Oo Lagu Xayiray Garoonka Aadan Cadde

Posted: September 22, 2019 at 2:55 pm   /   Xulashada Tafatiraha, Featured, Arrimaha Siyaasada, Warbiximaha Gaarka Ah

Maanta waxaa garoonka diyaarahada Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho lagu xayiray Sheekh Shariif Sheekh Axmed, Madaxweynihii hore ee dalka, xilli uu ku wajahnaa magaalada Kismaayo. Ammar kasoo baxay dowladda ayaa lagu diiday in Sheekh Shariif iyo xubno kale oo la socday ay aadaan Kismaayo, iyadoo diyaaraddana lagu amray inaanay magaaladaasi u duulin. Arrintaasi ayaa keentay […]

No Comments read more

Madaxweyne Farmaajo oo u dhoofay Newyork

Posted: September 22, 2019 at 9:06 am   /   Featured, Arrimaha Siyaasada

Madaxweynaha Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa ka dhoofay Magaalada Muqdisho. Waxaa uu ku sii jeedaa dalka Mareykanka gaar ahaanna Magaalada New York ee dalka Mareykanka halkaas oo uu ka furmayo shirka Golaha guud ee Qaramada Midoobey. Madaxweynaha ayaa markii ugu horreysay ka qeybgelaya shirkan isaga oo Madaxweyne ah, labadii sano ee […]

No Comments read more

Sirdoonka Itoobiya oo sheegay in uu qabtay xubno ka tirsan AL-shabaab iyo ISIS

Posted: September 22, 2019 at 8:03 am   /   Featured, Arrimaha Siyaasada

Dowladda Federaalka ah ee Itoobiya ayaa sheegtay in Sabtigii ay gacanta ku dhigeen tiro ka mid ah AL-shabaab iyo Daacish kuwaas oo qorsheynayay weerarro ay ka geystaan dalka Itoobiya. Warbaahinta Dowladda ee FANA ayaa baahisay in xubnaha la qab qabtay qaarkood ay xogo ururinayeen kuwana sawirro ka qaadayeen goobo la qorsheynayo in ay beegsadaan. Meelaha […]

No Comments read more

Madaxweyne Farmaajo oo Muqdisho kula kulmay qaar ka mid ah Madaxweynayaasha D.Goboleedyda

Posted: September 22, 2019 at 8:01 am   /   Xulashada Tafatiraha, Featured, Arrimaha Siyaasada

Madaxweynaha Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa waxaa uu Madaxtooyada Soomaaliya kula kulmay Madaxweynayaashs Dowlad Goboleedka qaarkood. Kulanka oo casho sharaf ahaa ayaa waxaa ka qeybgalay madaxweynayaasha Hirshabeelle, Koofur Galbeed,Galmudug iyo Duqa Muqdisho, waxaa sidoo kale qeyb ka ahaa Ra’isalwasaaraha Soomaaliya. Qoraal kooban oo lagu daabacay Villa Soomaaliya ayaa u qornaa: Madaxweynaha […]

No Comments read more

Burcad Badeed Soomaali ah oo siideysay Nin u dhashay Iraan

Posted: September 22, 2019 at 7:59 am   /   Featured, Arrimaha Siyaasada

Dowladda Iraan ayaa xaqiijisay in Kooxaha Burcad badeedda Soomaalida ah ay siidaayeen Muwaaddin u dhashay dalkeeda oo ay muddo heysteen. Mohammad Sharif Panahandeh, ayaa muddo afar sano ah gacanta ugu jiray kooxaha Burcad Badeedda Soomaalida ah. Waxaa uu ku xanuunsaday gacanta kooxaha Burcad Badeedda ah waxaana siideyntiisa ka caawiyay Hay’ad ka shaqeysa la xaajoodka dadka […]

No Comments read more

Dowladda Soomaaliya oo soo dhawaysay dagaal maleeshiyaad deegaan ah Al shabaab kula galeen Bakool

Posted: September 21, 2019 at 11:24 am   /   Featured, Arrimaha Siyaasada

Dowladda  Faderaalka Soomaaliya ayaa soo dhawaysay dagaal deegaano ka tirsan Gobolka Bakool ee Koofur Galbed Soomaaliya ku dhexmaray Maleeshiyaad deegaanka ah iyo Al shabaab. War- Saxaafadeed ka soo baxay dowladda Federalka Soomaaliya, ayaa lagu soo dhaweeyay kacdoonka maleeshiyaad deegaanka  ah ay wadaan ,kaasi oo ka dhan ah Al-Shabaab sida ay sheegtay Xukumada Soomaaliya. “Kacdoonka shacabka […]

No Comments read more

Mareykanka oo diyaarado dagaal ka iibiyay Kenya

Posted: September 21, 2019 at 11:22 am   /   Xulashada Tafatiraha, Featured, Arrimaha Siyaasada

Dowladda Kenya ayaa xaqiijisay in dowladda Mareykanka ay ka iibsatay lix ka mid ah diyaaradaha dagaalka ee Helicopters-ka loo yaqaan. War ka soo baxay Wasaaaradda difaaca Kenya ayaa lagu sheegay in lixda Diyaaradood oo ah nooca choppers ay dhawaan tagayaan Kenya. Lynn Tilton, oo ah madaxa fulinta sharikadda sameysay diyaaradahaas ayaa sheegtay in sidoo kale […]

No Comments read more

James Swan oo baaq u diray Dadka Soomaaliyeed

Posted: September 21, 2019 at 11:20 am   /   Featured, Arrimaha Siyaasada

Wakiilka gaarka ah ee Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobey u qaabilsan arrimaha Soomaaliya James Swan ayaa bulshada Soomaaliyeed ugu baaqay in ay ka qeybqaataan joojinta colaadaha iyo dhiirro gelinta Nabadda. Mr James Swan oo soo saaray War-xaafadeed ku saabsan Maalinta Nabadda Caalamka oo maanta ku beegan ayaa sheegay in dadka Soomaaliyeed ay muhiim u tahay […]

No Comments read more

Canada oo siideysay muwaaddin Soomaali ah kuna qornaa dib u celin

Posted: September 21, 2019 at 11:18 am   /   Featured, Arrimaha Siyaasada

Dowladda Canada ayaa ka laabatay dib u celinta Muwaaddin Soomaali ah oo qaxootinnimo ku galay Dalka Canada. Dib u celinta Cabdullahi Cilmi oo 34 jir ah ayaa ka dhalatay markii ay qabsatay hay’adda socdaalka iyo sohdimaha dalka Canada. Cabdullahi oo muddo lix bilood ah ku jiray Xabsi ku yaalla Edmanton ayaa waxaa joogi taankiisa gacan […]

No Comments read more

Wasiir ku xigeenka xannaanada xoolaha oo ka hadlay sababta uu isu casilay

Posted: September 21, 2019 at 11:13 am   /   Xulashada Tafatiraha, Featured, Arrimaha Siyaasada

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Xannaanada xoolaha, dhirta iyo Daaqa C/Kariin Khaliif Dhalac ayaa waxaa uu sababeeyay is casilaaddii uu xalay ku dhawaaqay. Wasiirka ayaa sheegay in sababta ugu weyn ee uu isu casilay tahay faragelin uu sheegay in dowladda Federaalka ah ku heyso Maamulka uu ka soo jeedo ee Galmudug. C/Kariin Khaliif Dhalac ayaa sheegay […]

No Comments read more

Miino laga saaray inta u dhaxeysa Beledweyne iyo Garoonka Ugaas Khaliif

Posted: September 19, 2019 at 8:31 am   /   Featured, Arrimaha Siyaasada

Ciidamada dowladda Federsalka ah ee Soomaaliya ayaa waxaa ay Miino ka bixiyeen waddadada isku xirta Garoonka Ugaas Khaliif iyo Magaalada Beledweyne ee Gobolka Hiiraan. Saraakiisha Booliska Dowladda ee ku sugan Magaalada Beledweyne ayaa waxaa ay sheegeen in Miinadaasi lagu aasay bartamaha Waddada isku xirta Beledweyne iyo Garoonka Ugaas Khaliif. Miinada ayaa waxaa hay’adaha amaanka ku […]

No Comments read more

Howlgal ka dhacay gobolka Hiiraan

Posted: September 19, 2019 at 8:28 am   /   Featured, Arrimaha Siyaasada

Saraakiisha Ciidamada Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa ka warbixiyay howlgallo maalmihii la soo dhaafay ay ka fuliyeen Gobollada Hiiraan iyo Shabeellaha dhexe islamarkaana ku qab qabteen dad aad u farabadan Jenenaal Maxamed Maxamuud Tareedishe oo ah Taliyaha qeybta 27aad  ee Ciidamada xoogga dalka ayaa sheegay in dad ka badan 20 qof ay hadda hayaan […]

No Comments read more