Daawo: Xasan Sheekh Oo Si Kulul Ula Hadlay DFS
Madaxweynihii hore ee dalka, Xasan Sheekh Maxamuud oo warbaahinta kula hadlay magaalada Muqdisho ayaa si kulul u cambaareeyey falkii shalay Kismaayo loogu diiday Sheekh Shariif. Xasan Sheekh ayaa sheegay in wax laga xumaado ay tahay arrintaasi, isaga oo eedeeyey DFS. Dalka ayuu sheegay in dowladdan ay meel halis ah ku waddo, islamarkaana haddii aan laga […]
Sheekh Shariif: annaga dalkaan waxbaa naga galay mana ogolin inuu burburo!
Madaxweynihii hore Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed oo maanta Shir Jaraa’id ku qabtay Muqdisho ayaa eedeyn u jeediyay Xukumada Faderaalka Soomaaliya uu sheegay in ay ku fashilantay Waxyaabihii loo igmaday sida uu sheegay. Waxa uu sheegay in laga hor istaagay Safar uu ugu socday Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose si uu ugu qayb galo […]
Xisbiga Himilo Qaran oo ka hadlay xayiraaddii la saaray Sheekh Shariif
isbiga uu hoggaamiyo Sheekh Shariif ee Himilo Qaran ayaa waxaa uu war-saxaafadeed ka soo saaray xayiraaddii shalay lagu sameeyay madaxweynihii hore ee Soomaaliya. War-saxaafadeedka Xisbiga Himilo Qaran ayaa cambaareeyay go’aanka dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ku hor istaagtay Sheekh Shariif. Hisbiga ayaa war-saxaafadeedkiisa u dhignaa.
Soomaaliya oo ka qeyb qaadatay dhoolatus uu Sucuudiga ka wado Badda Cas
Dowladda Sucuudiga ayaa dhoolatus Ciidan waxaa ay ka billowday Badda Cas waxaana ka qeyb aha dalal badan oo ku teedsan baddaas. Waddamada ka qeyb qaatay waxaa ka mid ah Jordan, Egypt, Sudan, Djibouti, Yemen iyo Somalia. Dhoolatuskan waxaa ka qeyb qaadanaya Waddamada ku yaalla Gobolka islamarkaana xulufada dhow la ah dalka Mareykanka. Sucuudiga ayaa waxaa […]
Daacish oo soo bandhigtay Ciidan ay ku tababartay Soomaaliya
Kooxda Daacish faraceeda ka dagaallama Soomaaliya ayaa baahiyay sawirrada dagaalyahanno ka tirsan oo ku tababaranaya Buuraleyda Gobolka Bari ee Soomaaliya. Daacish ayaa sheegtay in xerada lagu tababarayay ciidankaas lagu magacaabo Daa’uud Al Soomaali oo ahaa tababare ka tirsanaa laguna dilay gudaha Soomaaliya. Kooxda Daacish ayaa sawirro iyo muuqaalka tababarkaas oo ay baahisay ku sheegtay in […]
CC Shakuur Oo Ka Hadlay Xayiraaddii Sheekh Shariif
Maamulka Hey’adda Duulista Hawada Soomaaliya ayaa soo saaray amar ah in gebi ahaanba la hakiyay dhammaan duulimaadyadii Kismaayo muddo 3 maalmood ah oo maanta ka bilaabaneysa. Amar ka soo baxay Hey’adda ayaa lagu wargeliyay Shirkadaha Diyaaradaha in la hakiyay duulimaadyadii tagi jiray Kismaayo laga bilaabo 23 bishan September illaa 26 bishan, waxaana mudadaas la sheegay […]
Sheekh Shariif Oo Lagu Xayiray Garoonka Aadan Cadde
Maanta waxaa garoonka diyaarahada Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho lagu xayiray Sheekh Shariif Sheekh Axmed, Madaxweynihii hore ee dalka, xilli uu ku wajahnaa magaalada Kismaayo. Ammar kasoo baxay dowladda ayaa lagu diiday in Sheekh Shariif iyo xubno kale oo la socday ay aadaan Kismaayo, iyadoo diyaaraddana lagu amray inaanay magaaladaasi u duulin. Arrintaasi ayaa keentay […]
Madaxweyne Farmaajo oo u dhoofay Newyork
Madaxweynaha Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa ka dhoofay Magaalada Muqdisho. Waxaa uu ku sii jeedaa dalka Mareykanka gaar ahaanna Magaalada New York ee dalka Mareykanka halkaas oo uu ka furmayo shirka Golaha guud ee Qaramada Midoobey. Madaxweynaha ayaa markii ugu horreysay ka qeybgelaya shirkan isaga oo Madaxweyne ah, labadii sano ee […]
Sirdoonka Itoobiya oo sheegay in uu qabtay xubno ka tirsan AL-shabaab iyo ISIS
Dowladda Federaalka ah ee Itoobiya ayaa sheegtay in Sabtigii ay gacanta ku dhigeen tiro ka mid ah AL-shabaab iyo Daacish kuwaas oo qorsheynayay weerarro ay ka geystaan dalka Itoobiya. Warbaahinta Dowladda ee FANA ayaa baahisay in xubnaha la qab qabtay qaarkood ay xogo ururinayeen kuwana sawirro ka qaadayeen goobo la qorsheynayo in ay beegsadaan. Meelaha […]
Madaxweyne Farmaajo oo Muqdisho kula kulmay qaar ka mid ah Madaxweynayaasha D.Goboleedyda
Madaxweynaha Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa waxaa uu Madaxtooyada Soomaaliya kula kulmay Madaxweynayaashs Dowlad Goboleedka qaarkood. Kulanka oo casho sharaf ahaa ayaa waxaa ka qeybgalay madaxweynayaasha Hirshabeelle, Koofur Galbeed,Galmudug iyo Duqa Muqdisho, waxaa sidoo kale qeyb ka ahaa Ra’isalwasaaraha Soomaaliya. Qoraal kooban oo lagu daabacay Villa Soomaaliya ayaa u qornaa: Madaxweynaha […]
Burcad Badeed Soomaali ah oo siideysay Nin u dhashay Iraan
Dowladda Iraan ayaa xaqiijisay in Kooxaha Burcad badeedda Soomaalida ah ay siidaayeen Muwaaddin u dhashay dalkeeda oo ay muddo heysteen. Mohammad Sharif Panahandeh, ayaa muddo afar sano ah gacanta ugu jiray kooxaha Burcad Badeedda Soomaalida ah. Waxaa uu ku xanuunsaday gacanta kooxaha Burcad Badeedda ah waxaana siideyntiisa ka caawiyay Hay’ad ka shaqeysa la xaajoodka dadka […]
Dowladda Soomaaliya oo soo dhawaysay dagaal maleeshiyaad deegaan ah Al shabaab kula galeen Bakool
Dowladda Faderaalka Soomaaliya ayaa soo dhawaysay dagaal deegaano ka tirsan Gobolka Bakool ee Koofur Galbed Soomaaliya ku dhexmaray Maleeshiyaad deegaanka ah iyo Al shabaab. War- Saxaafadeed ka soo baxay dowladda Federalka Soomaaliya, ayaa lagu soo dhaweeyay kacdoonka maleeshiyaad deegaanka ah ay wadaan ,kaasi oo ka dhan ah Al-Shabaab sida ay sheegtay Xukumada Soomaaliya. “Kacdoonka shacabka […]
Recent Comments