Roobow Oo Xabsiga Guri Laga Dhigayo
Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya qorshe Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ku dooneyso in xabsiga ciidanka Nabad sugidda Soomaaliya looga saaro Mukhtaar Roobow Cali Abuu Mansuur oo mar hoggaamiyaha 2aad ee ugu sarreeya Al-shabaab soo noqday. Xogo kala duwan ayaa sheegaya in dowladda Federaalka ah ay qorsheyneyso in Abuu Mansuur la geliyo xabsi […]
Wax-garad Loo Xiray La Kulanka Al-shabaab
Maamulka Koofur Galbeed Soomaaliya ayaa xabsiga dhigay Dhowr Oday oo ka mid ahaa ergadii soo xulatay Xildhibaannada Maamulkaas ku matala Dowladda Federaalka ah. Taliyaha Ciidamada Booliska Koofur Galbeed Mahad C/Raxmaan Aadan ayaa sheegay in hay’adaha amaanka ay gacanta ku dhigeen Odayaal ka soo laabtay dhinaca Al-shabaab. Mahad C/Raxmaan Aadan ayaa waxaa uu kulan la qaatay […]
Waa Sidee Xaaladda Guddoomiye Yariisow?
Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa ka hadashay xaaladda Caafimaad ee Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho C/Raxmaan Cumar Cismaan Yariisow iyo dhaawacyada kale ee Isbitaalka kula jira. Danjiraha Dowladda Soomaaliya ee Dalka Qadar C/Rizaaq Faarax Cali Taano, ayaa sheegay in xaaladda caafimaad ee bukaannada weerarradii Xarunta aqalka dowladda hoose iyo Qaraxii KM4 ay soo […]
Ciidanka Somaliland Iyo Kuwa Korneel Carre Oo Dagaallamay
Wararka saaka ka imaanaya tuulada Karin oo hoostagta degmada Ceerigaabo ee gobolka Sanaag ayaa sheegayaa in halkaasi uu saaka dagaal ku dhexmaray ciidamada Somaliland iyo jabhadda la baxday Dulmidiid ee uu hoggaamiyo Col. Siciid Cawil Jaamac Caarre. Ciidamo ka tirsan kuwa Somaliland ayaa sida ay sheegeen dadka deegaanka saaka weerar ku qaaday ciidamada jabhadda Caarre […]
Maxaa Ka Socda Magaalada Kismaayo?
Wararka ka imaanaya Magaalada Kismaayo ee Xarunta KMG ah ee Dowlad Goboleedka Jubbaland ayaa sheegaya in ay ka socdaan shirar iska soo horjeedo oo looga hadlayo doorashada Maamulkaas. Kulamada qaar kamid ah waxaa yeelanaya Madaxda dhaqanka, Guddiga Doorashada iyo Musharixiinta. Odoyaasha dhaqanka waxa ay doonayaan in si rasmi ah u maamulaan Doorashada iyo xulista Xildhibaanada […]
QM Oo Adkeysay Ammaanka Xarumaheeda Magaalada Muqdisho
Amaanka xarumaha Hay’adaha qaramada Midoobey ee ku yaalla Magaalada Muqdisho ayaa aad loo adkeeyay kaddib weerarkii todobaadkii hore lala beegsaday xarunta aqalka dowladda hoose ee Muqdisho. Weerarkaas oo ay Al-shabaab mas’uuliyaddiisa sheegatay waxaa ay sheegeen in bartilmaameedku ahaa ergeyga gaarka ah ee Qaramada Midoobey James Swan oo xarunta Gobolka tagay. Weerarkaas waxaa la horreeyay weerar […]
Aqalka Sare Oo Ka Doodaya Sharciga Shidaalka
Golaha aqalka sare ee Soomaaliya ayaa maanta yeelanaya kulan ka mid ah kalfadhigooda 5aad,waxaana xildhibaannada xalayba lagu wargeliyay in ay kulanka xaadiraan. Ajendaha kulanka maanta ayaa ah mid si gaar ah isha loogu hayo waxaana ka mid ah hindise sharciyeedka Batroolka iyo sharciga xaqsiinta Ciidanka. Xeerka Batroolka ayaa dhawaan waxaa meel mariyay Golaha shacabka Soomaaliya […]
Taliyaha Cusub Ee AFRICOM Oo Kusoo Wajahan Muqdisho
Taliska Mareykanka ee Qaaradda Afrika ayaa Jimcihii shalay yeeshay Taliye cusub, kaddib xil wareejin ka dhacday Xarunta ugu wayn taliskaas ee ku taalla Dalka Germany. Gen. Stephen J. Townsend, ayaa waxaa uu safarkiisa ugu horreeya ku imanayaa Magaalada Muqdisho sida lagu sheegay qoraal ka soo baxay AFRICOM. Sababaha uu u imanayo waxaa ka mid ah […]
“Kama laba-labeyn laheyn inaan mar labaad la saxiixdo Neymar Jr” – Xavi Hernandez
Tababaraha kooxda Al Sadd ee Xavi Hernandez ayaa ugu baaqay kooxdiisii hore ee Barcelona inay isku dayaan inay la soo wareegaan markale xiddiga reer Brazil iyo kooxda Paris Saint-Germain Neymar Jr haddii ay macquul tahay. Neymar ayaa xagaagan lala xiriirinayay inuu ka tagayo kooxda Paris Saint-Germain iyadoo ay jirto inuusan ku faraxsaneyn hab dhaqanka maamulka […]
Xiddig hore ee kooxda Manchester United ah oo dabka ku sii shiday xaalada Paul Pogba
Ciyaaryahankii hore kooxda kubadda caga Manchester United ee Louis Saha ayaa weerar dhanka afka ah ku qaaday xiddiga ay isku wadanka kasoo wada jeedaan ee Paul Pogba, sababa la xiriira hadaladii uu ka dhawaajiyay bishii lasoo dhaafay ee June. Xiddiga reer France ayaa sheegay inuu doonayo tartan cusub, kaliya seddex sano kaddib markii uu dib […]
AMISOM Oo Ballan Qaadday u Hoggaansamidda Xeerarka Caalamiga Ah
Ergeyga Midowga Afrika ee AMISOM Francisco Madeira ayaa ballanqaaday in howlgalka AMISOM uu ku dhegganyahay kuna dhegganaanayo ilaalinta xeerarka Caalamiga ah ee ilaalinta xuquuqda aadanaha. Mr Madeira ayaa xaaladdan xuquuqul insaanka Soomaaliya gaar ahaan qeybta AMISOM uga warbixinayay Bahame Tom Mukirya oo ka mid ah Guddiga madaxabanaan ee la socodka xaaladda xuquuqda aadanaha Soomaaliya. Danjire […]
Sacuudi Carabiya oo Cambaareysay weerarkii gobolka Banaadir
War qoraal oo kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibadda dalka boqortooyada Sacuudi Carabiya ayaa si kulul loogu cambaareyay weerarkii ismiidaaminta ahaa ee lagu beegsaday xarunta maamulka gobolka Banaadir. “Waxaannu si kulul u cambaareynaynaa weerarkii argagixso ee ka dhacay Muqdisho, waxaana xoojinaynaa garab istaagga Soomaaliya ee aan ku garab taagannahay la dagaallanka argagixsada iyo xagjirnimada. Weerarkan oo […]
Recent Comments