Newsletter subscribe
Archive

Sacuudiga Oo Shuruud Ku Xiray Ganacsatada Xoolaha Somaliland

Posted: July 16, 2019 at 6:53 am   /   Xulashada Tafatiraha, Featured

Dowladda Sucuudiga ayaa shuruud ku xirtay Ganacsatada Somaliland ee doonaya in ay Xoolaha ka dhoofa Berbera ka dejiyaan dekadaha dalka Sucuudiga. Markabkii todobaadkii hore lagu xayiray Dekadda Jidda ayaa la siidaayay kaddib wadahadal ay yeesheen wakiillo ka socday Dowladaha Soomaaliya iyo Sucuudiga, Ganacsato u dhashay Somaliland iyo kuwa Sucuudiyaan ah oo xoolaha la wareegayay. Wadahadalkaas […]

No Comments read more

Wasiir Sabriye Oo Bilaabaya Diyaarinta Shirka Dib u Heshiisiinta Beelaha Galmudug

Posted: July 16, 2019 at 6:52 am   /   Featured, Arrimaha Siyaasada

Wasiirka Wasaaradda arrimaha gudaha iyo Federaalka XUkuumadda Soomaaliya Cabdi Maxamed Sabriye ayaa maanta tagaya Magaalada Dhuusamareeb ee Xarunta Galmudug. Safarka Wasiir Sabriye ayaa la sheegayaa in uu ku saleysanyahay shirka dib u heshiisiinta Beelaha Galmudug ee lagu wado in uu dhawaan ka furmo magaalada Dhuusamareeb. Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa Wasiir Sabriye u […]

No Comments read more

QM Oo Digniin Kasoo Saartay Doorashada Jubbaland

Posted: July 16, 2019 at 6:51 am   /   Featured, Arrimaha Siyaasada

Qaramada Midoobey ayaa ka digtay in wax faragelin ah lagu sameeyo doorashada Jubaland ee dhawaan ka dhaceysa maamul Goboleedkaas. Wakiilka Qaramada Midoobey ee Soomaaliya James Swan ayaa ka warbixiyay safar uu ku tagay Magaalada Kismaayo shalay. Mr Swan ayaa sheegay in uu la kulmay Madaxweynaha Jubaland, Guddiga xudduudaha iyo doorashooyinka Jubaland iyo xubno kale oo […]

No Comments read more

DFS Oo Xus Sanadeed u Sameeneysa Hodon Naaleeye

Posted: July 16, 2019 at 6:49 am   /   Featured, Arrimaha Siyaasada

Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa ballanqaadday in xus sanadeed loo sameynayo Hodon Naaleeye oo ahayd Soomaali Canadian ku dhimatay weerarkii Kismaayo. Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad ayaa bartiisa Twitter-ka ku ballanqaaday in sanadkasta ay bixin doonaan abaalgud loogu magac daray Hodon Naaleeye. Axmed Ciise Cawad ayaa sheegay in billadda sanadlaha ah ay […]

No Comments read more

Kenya Oo Ciidankii Ugu Badnaa Geysay Xadka Ay La Wadaagto Soomaaliya

Posted: July 16, 2019 at 6:48 am   /   Xulashada Tafatiraha, Featured, Arrimaha Siyaasada

Dowladda Kenya ayaa adkeysay amniga xudduuda ay la leedahay Soomaaliya si looga hortago weerarro Kenya kaga yimaada dhanka al-Shabaab saddex maalmood kaddib weerarkii Kismaayo. Warbixin uu soo saaray Guddoomiyaha Wajeer ayuu ku sheegay in ciidamo iyo saraakiil farabadan loo daabulay dhanka xudduudka Kenya iyo Soomaaliya kadib weerarkii Kismaayo. Guddoomiyaha ayaa sheegay in dadaallada lagu sugayo […]

No Comments read more

Canada Oo Ka Qeybgaleysa Dagaalka Ka Dhanka Ah Al-shabaab

Posted: July 15, 2019 at 8:18 am   /   Featured, Arrimaha Siyaasada

Dowladda Canada ayaa ku dhawaaqday in ay dowladda Federaalka ah ee SOomaaliya ka taageereyso dagaalka ay kula jirto Al-shabaab. Ra’isalwasaraaha Dalka Canada Justin Trudeau , ayaa sheegay in dowladdiisa ay kala shaqeyneyso dowladda Soomaaliya sidii ay Soomaali u noqon lahayd nabad islamarkaana u gaari lahayd meel ay ku nabad gasho warbaahinta. Waxaa uu sidoo kale […]

No Comments read more

Trump oo Ilhaan Cumar ku yiri “Dib Ugu Laabo Dalkaaga”

Posted: July 15, 2019 at 8:17 am   /   Featured, Arrimaha Siyaasada

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa mar kale billaabay dood xoog leh oo ka socota Baraha Bulshada iyo gudaha Dalka Mareykanka. Mr Trump ayaa boggiisa Twitter-ka ku qoray qoraal uu ku sheegay in Haweenka Muslimiinta ah ee ku jira Baarlamaanka Mareykanka ay tahay in ay dib ugu laabtaan dalalkooda. Trump ayaa Twitter-kiisa ku sheegay magacyada Ilhaan […]

No Comments read more

Ciidanka Jubbaland Oo Howlgal Ka Sameeyo Kismaayo

Posted: July 15, 2019 at 8:15 am   /   Xulashada Tafatiraha, Featured, Arrimaha Siyaasada

Ciidamada ammaanka Dowlad Goboleedka Jubbaland ayaa howlgali guri guri ay ku baarayeen ka sameeyeen Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubada Hoose. Sida xaqjiijiyeen dad ku sugan Magaalada Kismaayo, howlgalka ayaa si gaar ah ugu dhacay guryo ku yaalla Xaafadaha Faanoole iyo Calanleey. Ciidamada ayaa gaadiid nuuca dagaalka ah dhigtay waddooyinka xaafadaha ay ka howlgalayeen, iyaga […]

No Comments read more

Dhul Gariir Ku Dhuftay Soomaaliya

Posted: July 15, 2019 at 8:14 am   /   Xulashada Tafatiraha, Featured, Arrimaha Siyaasada

Wararka naga soo gaaraya Gobolka Bari ee Soomaaliya ayaa sheegaya in halkaas xalay fiidkii laga dareemay dhul Gariir. Khubarrada dhinaca Dhul Gariirka ee dalka Mareykanka ayaa sheegay in dhul Gariirkaas cabbirkiisu ahaa 5.0magnitude . Meelaha Dhul Gariirkan xalay laga dareemay waxaa ka mid ah Magaalada Bareeda ee Gobolka Bari oo ku taalla Xeebta Gobolka Bari […]

No Comments read more

Waa Kuma Daafaca Ay 25 Milyan Oo Gini Ku Dooneyso Arsenal?

Posted: July 14, 2019 at 6:50 pm   /   Featured, Sport

ooxda kubadda cagta Arsenal ayaa la soo warinayaa inay 25 milyan oo gini ku doonayso saxiixa ciyaaryahan Tierney. Gunners ayaa dib ugu laabtay doonista daafaca kooxda Celtic ee Kieran Tierney sida ay tilmaamayaan warbixinnada ay saaka daabaceen Wargeysyada ciyaaraha ka faallooda. Shabakadda Sky Sports ayaa warinaysa in Arsenal ay 25 milyan oo gini oo u dhiganta 31 […]

No Comments read more

Lafta-gareen Oo La Kulmay Xubno Ka Socday QM

Posted: July 14, 2019 at 6:46 pm   /   Xulashada Tafatiraha, Featured, Arrimaha Siyaasada

Madaxweynaha Dowlad Goboleedla  Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa Magaaladda Baydhabo kullan kula qaatey Wafdi ka socoday Qaramada Midoobay Iyo Dowladda Fedaralka Soomaaliya oo Baydhabo gaarey . Wafdigan isgu jira Wakiilka Qaramada Midoobay Uqaaabilsan Arrimaha tacadiga Ka dhanka Haweenka Goobaha Dagalada Ka socodaan iyo wasiiradda Haweenka Xuquuqul insaanka Dowladda Fedaralka soomaaliya ayaa Maanta garey Magaalada Baydhabo. Wafdigaan […]

No Comments read more

Faah Faahin: Qarax Ka Dhacay Duleedka Boosaaso

Posted: July 14, 2019 at 6:41 pm   /   Featured, Arrimaha Siyaasada

Ciidamo ka tirsan kuwa Dowlad Goboleedka Puntland ayaa qarax miino lagula beegsaday meel banaanka ka ah Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari. Qaraxan oo ahaa sida la sheegay Miinada dhulka la geliyo ayaa waxaa lala beegsaday Ciidamo ka tirsan kuwa Puntland oo marayay degaanka Balli-Khadar lagu magacaabo. Xilliga uu qaraxa dhacayay Ciidamada ayaa waxaa ay […]

No Comments read more