Newsletter subscribe
Archive

Askarta QM Qaarkood Oo Ka Baxay Soomaaliya

Posted: July 18, 2019 at 7:41 am   /   Featured, Arrimaha Siyaasada

Qeyb ka mid ah Ciidamada Qaramada Midoobey ee ka howlgalayay Soomaaliya ayaa isaga baxay dalka kaddib markii ay dhameysteen Howlgalkooda Soomaaliya. Warbixin ka soo baxday Xafiiska Ergeyga gaarka ah ee Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya James Swan ayaa lagu sheegay in Ciidamadaas ay guteen waajibkii Qaramada Midoobey. Mr Swan ayaa Ciidamadaasi guddoonsiiyay billadaha abaalgudka ee […]

No Comments read more

Puntland Oo Guddoomiye u Magacawday Sanaag

Posted: July 18, 2019 at 7:38 am   /   Featured, Arrimaha Siyaasada

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland Siciid Cabdullahi Deni ayaa magacaabay Guddoomiyaha cusub ee Puntland u qaabilsanaanaya Gobolka Sanaag. Cali Xuseen Maxamed oo ku magac dheer Cali Soomaali ayaa waxaa uu horay u ahaa Guddoomiyaha Gobolka Sanaag ee Somaliland,waxaana hadda xilkaas mar kale u magacaabay Maamulka Puntland. Maxamed Cabdullahi Jaamac ayaa loo magacaabay Guddoomiye ku xigeenka 1aad […]

No Comments read more

DFS Oo Magacawday Guddiga Qaban-qaabada Dib u Heshiisiinta Galmudug

Posted: July 18, 2019 at 7:35 am   /   Xulashada Tafatiraha, Featured

Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa magacawday Guddiga qaban qaabada shirweynaha dib u heshiisiinta Maamulka Galmudug. Wareegto ka soo baxday Xafiiska Wasiirka arrimaha gudaha,Federaalka iyo dib u heshiisiinta Soomaaliya Cabdi Maxamed Sabriye ayaa lagu magacaabay Guddiga qaban qaabashada shirweynaha dib u heshiisiinta Galmudug. Guddiga uu magacaabay Wasiirka arrimaha gudaha Soomaaliya ayaa lagu saleeyay sida la […]

No Comments read more

Faah Faahin: Dad Rayid Ah Oo Lagu Dilay Wadada Isku Xira Balcad Iyo Muqdisho

Posted: July 17, 2019 at 8:28 am   /   Featured, Arrimaha Siyaasada

Ugu yaraan 3 qof ayaa ku dhimatay halka qof kale uu ku dhaawacmay markii xalay fiidkii koox hubeysan ay rasaas ku fureen Gaari ay dadkaasi la socdeen. Weerarka ayaa ka dhacay Tuulada Xaanshooleey oo u dhaxeysa Muqdisho iyo Balcad, qof ka mid ah dadka degaanka ayaa sheegay in wadaha Gaariga uu diiday in uu joojiyo […]

No Comments read more

Qarax Ka Dhacay Muqdisho

Posted: July 17, 2019 at 8:26 am   /   Featured, Arrimaha Siyaasada

Qaraxa lagu xiray Gaari kuwa raaxada ah ayaa ka dhacay Degmada Waabari ee Magaalada Muqdisho. Qaraxan oo ka dhacay agagaarka saldhigga cusub ee Degmada Waabari ayaa inta la xaqiijiyay waxaa ku dhaawacmay qof ka agdhawaa. Qofka dhaawacmay ayaa la sheegay in uu ahaa qof Dukaan ku iibinayay goobta uu qaraxa ka dhacay,waxaana hortiisa ku qarxay […]

No Comments read more

Dilal Ka Dhacay Magaalada Muqdisho

Posted: July 17, 2019 at 8:24 am   /   Featured, Arrimaha Siyaasada

Dhaq dhaqaaqa Al-shabaab ayaa sheegatay dilal saacadihii la soo dhaafay ka dhacay Magaalada Muqdisho. Al-shabaab ayaa sheegay in ay ka dambeeyeen dilka Xidigoow Cumar Dhajuun oo shalay lagu dilay Degmada Dharkenley ee Magaalada Muqdisho. Dhagajuun ayey Al-shabaab ku sheegeen in uu ka mid ahaa Booliska Soomaaliya, dadka xaafadda lagu dilau Xidigow ayaa sheegay in uu […]

No Comments read more

Saraakiil Ka Tirsan Booliiska Oo La Dalacsiiyay

Posted: July 17, 2019 at 8:22 am   /   Featured, Arrimaha Siyaasada

Taliyaha Booliska Soomaaliyeed ayaa dallacsiiyay Taliyaha Booliska Gobolka Banaadir iyo Taliyayaasha Saldhigyada Booliska Gobolka. Taliyayaasha la dallacsiiyay ayaa lagu bogaadiyay howlkarnimadooda sida ay sheegeen saraakiisha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ee munaasibaddaas lagu sugayay. Saraakiisha Booliska SOomaaliya ayaa sheegau in Taliyaha Booliska uu soo jeedinta dallacsiinta u gudbiyay madaxda dalka islamarkaana sidaas ay madaxda ku aqbaleen sidaasna […]

No Comments read more

DFS Oo Magacawday Danjiraha Soomaaliya Ee Maraykanka

Posted: July 17, 2019 at 8:21 am   /   Xulashada Tafatiraha, Featured

Dowladda Soomaaliya ayaa muddo dheer kaddib waxaa ay magacowday danjiraha Soomaaliya ee Dalka Mareykanka. Cali Shariif Axmed ayaa loo magacaabay Danjiraha Soomaaliya ee Dalka Mareykanka,waxaana uu booskaasi bannaanaa muddo sanad ka badan. Cali ayaa waxaa uu horay u ahaa danjiraha Soomaaliya ee Itoobiya iyo France,waxaana uu hadda beddelay Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad […]

No Comments read more

Victor Lindelof Oo Ka Hadlay Mustaqbalkiisa Manchester United

Posted: July 16, 2019 at 12:28 pm   /   Featured, Sport

Daafaca reer Sweden iyo kooxda Manchester United ee Victor Lindelof ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay joogitaankiisa Red Devils, isagoo dhinaca kale tilmaamay inuu sigi la’ayahay bilaabashada xili ciyaareedka cusub si uu markale u difaaco maaliyada United-ka. Victor Lindelof oo 24 jir ah ayaa lala xiriirinayay ka ciyaarista kooxda Barcelona, kaddib markii ay tilmaameen wargeysyada […]

No Comments read more

Lakaku Ma Tagayaa Man United?

Posted: July 16, 2019 at 12:25 pm   /   Featured, Sport

Tababaraha kooxda Manchester United ee Ole Gunnar Solskjær ayaa wuxuu ka hadlay wararka xanta ah ee la xiriirinaya Romelu Lukaku inuu ka tagayo Red Devils suuqan xagaaga. Dhinaca kale Ole Gunnar Solskjær ayaa rajeeyay in David de Gea uu qandaraaska u kordhin doono Red Devils si uu u sii joogo mudada ugu fog ee ugu […]

No Comments read more

Waqtiga Uu Matthijs de Ligt Caafimaadka u Mari Doono Juventus!

Posted: July 16, 2019 at 12:23 pm   /   Featured, Sport

Daafaca da’da yar ee qaranka Holland Matthijs de Ligt ayaa usoo duuli doona magaalada Turin si uu halkaas caafimaadka ugu maro kooxda Juventus, wararka ka imaanaya talyaaniga ayaana qiraya inuu ugu wareegi doono marwada lacag dhan 65 Malyan oo Yuuro iyo gunno isku tagi doonta 75 Malyan oo Yuuro. Sky Sports Italia ayaa fahamsan in heshiiska […]

No Comments read more

UNSOM: Weerarkii Kismaayo Ma Wiiqi Doono Horumarrada Ay Soomaaliya Gaartay

Posted: July 16, 2019 at 12:19 pm   /   Xulashada Tafatiraha, Featured

Wakiilka gaarka ah ee xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya oo booqday Kismaayo ayaa sheegay in weerarrada al-Shabaab oo uu ugu dambeeyay midkii Kismaayo aanu wiiqeynin marnaba horumarka ay gaareen dadka iyo dowladda Soomaaliya. Ergayga oo magaalada Kismaayo wada-hadal kula yeeshay hoggaamiyaha Jubbalaan Axmed Maxamed Islaam ayaa uga tacsiyeeyay weerarkii ay al. Shabaab […]

No Comments read more